Real Madrid Oo Diyaar U Ah Inay Ka Faa,idaysato Khilaaf Ka dhex Jira Pogba Iyo Juventus.

0
Tuesday July 08, 2014 - 09:09:16 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Oo Diyaar U Ah Inay Ka Faa,idaysato Khilaaf Ka dhex Jira Pogba Iyo Juventus.

    iyo Maamulaha Ciyaaraha Ee Kooxda Barcelona Oo Diiday Inuu Ka Hadlo Arrimaha Sanchez Iyo Suarez

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

iyo Maamulaha Ciyaaraha Ee Kooxda Barcelona Oo Diiday Inuu Ka Hadlo Arrimaha Sanchez Iyo Suarez

Maamulaha dhanka Sportiga ee kooxda Barcelona Andoni Zubizarreta ayaa diiday inuu ka hadlo arimaha laxiriira Luis Suarez iyo Alexis Sanchez kadib shirkii jaraa,id ee ay wada qabteen goor dhaw isaga iyo gool hayaha cusub ee Claudio Bravo.

Andoni Zubizarreta ayaa wax laga waydiiyay halka ay marayaan wada hadalada Barcelona iyo Liverpool iyo inuu faah faahiyo xaalada Luis Suarez wuxuuna ku jawaabay:

"Waan ka cudur daaranayaa midaas.., ma awoodo inaan ka hadlo arimahaas, si dhab ah ayaan u shaqaynaynaa sidii aan ugu soo gali lahayn xili ciyaareed ka cusub kooxdeena ugu fiican”.

Wariye kale ayaa waydiiyay kawarn wararka la xiriira Sanchez iyo dalabka aad ka aqbasheen Arsenal wuxuuna ku jawaabay:

"Sida aad ogtihiin ma awoodno inaan cadayno waxa ka dhacaya miiska wada hadalka, waqtigaan la joogo Sanchez waa laacib ka tirsan Barcelona, hadii ay wax isbadalaan waan idiin sheegi doonaa”.



Real Madrid Oo Diyaar U Ah Inay Ka Faa,idaysato Khilaaf Ka dhex Jira Pogba Iyo Juventus.

Kooxda Juventus iyo Laacib keeda ree France Paul Pogba ayaa isku maandhaafsan heshiis kordhintiisa, Pogba ayaa u sheegay kooxda ree Talyaani inuusan diyaar u ahayn inuu u kordhiyo heshiiska.

Wargayska L’Equipe ee ka soo axa France ayaa shaaca ka qaaday in Real Madrid ay ka war heshay xaalada ka dhex jirta kooxda Juventus iyo Paul Pogba waxayna doonaysaa inay ka faaidaysato si ay u hesho saxiixa 21 jir kaan qaranka France.

Wargayska ayaa intaa ku daray in kooxda Juventus ay u soo bandhigtay dhigeeda Real Madrid inay is dhaafsadaan Paul Pogba iyo Angel Di Maria maadama kooxda Juventus ay ka baqayso inay Pogba ku fasaxdo qiimo jaban hadii uu sii joogo xili ciyaareed kale.

Real Madrid ayaa doonaysa inay kaga adkaato saxiixa Paul Pogba dhamaan kooxaha xiisaynaya oo ay ugu horeeyaan kooxaha Chelsea, Man City iyo PSG.

Horyaalkee Ayay Ciyaartoyda Ugu Badni Ka Socotaa Afarta Wadan Ee ISkugu Soo Hadhay KA?

Iyadoo hore horyaalka ingiriiska loogu yaqaanay inuu yahay horyaalka ugu fiican aduunka oo dhan ayaa waxaa hadda muuqata in horyaalka Germany ee Bundesliguhu noqonaayo ka ugu fiican marka loo eego ciyaartoyda ka socota hoyaalkaas ee ka midka noqday afarta wadan ee iskugu soo hadhay koobka aduunka.

Qiimayntan ayuu horyaalka Germany kaalinta kowaad ku jiraa iyadoo horyaalka ingiriiskuna kaalinta labaad ku jiro halka horyaalka Talyaanigu kaalinta saddexaad kala baxay horyaalka Spain ee laligaha.

Marka la eego dhinaca kooxaha Bayern Munich ayaa kalinta kowaad ku jirta iyadoo ay ka socdaan 9 ciyaarto, halka kooxda ree Holland Feyenoord ay ku jirto kaalinta labaad iyadoo ay matalayaan 5 ciyaartoy. Waxaan iyaguna ka fogayn kooxha PSG, Chelsea, Man city, B.Duntmund, Barcelona iyo Inter Milan oo min 4 ciyaartoy ugu soo hadheen semi finalka koobk aduunka.

C.Ronaldo Oo Noqday Ciyaaryahankii Ugu Horeeyey Ee Aan Muslim Ahayn Oo U Ololeeya Madaxbanaanida Falastiin

Xiddiga kubada cagta Adduunka C.Ronaldo ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyey ee ka damqada qadiyada falastiin. isaga oo aan haysan diinta islaamka, ka garaabay qadiyadaas , waxaanu bilaabay olole taageero uu ugu raadinayo sidii shacabka la Gumaysto ee Falastiin uu qadiyadooda meel kasta uga sheegi lahaa .

Isagoo bilaabay barnaamij la yidhaahdo Free Palestine , waxaanay arrintan daba socotay dhacdooyin hore looga soo wariyey xidigan shacbiyada badan leh , hore ayuun bay ahayd markii saxiibkiisii hore Ee Mesut Ozil sheegay in marka uu cunta ka ilaawo bisinka uu C.Ronaldo Xasuusin jiray isla markaana uu xiiseeyo Qaybo ka mid ah Quraanka Kariimka ah siiba Faataxada .

Waxa kale oo lagu xasuustaa C.Ronaldo ka dib markii uu iska diiday Funaanada Ciyaaryahan Isriili ah oo doonayey inuu garanka ka bedesho , kadib dhacdaasna uu sameeyey markii su,aal laga waydiiyey uu ugu jawaabay, weriyihii su,aasha waydiiyey gacan-kudhiiglaha garankayga siin mayo, isagoo ula jeeday waxa ciyaaryahankan dalkiisu ka samaynayo Qaza.


Isku soo wada duuboo dhacdooyinkani waxay u horseedayaan ciyaaryahanka taageero uu ka kasbado caalamul islaam.


Madaama aynu ku jirno bishii barakaysnayd ee Ramadan waxaynu ugu ducaynaynaa inuu Alle swc garansiiyo Xaqqa kuna soo biro Ummada muslimiinta . 



Afkashacabka.com / Cayaaraha 

Contact@afkashacabka.com