Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta la kulmaya dhaxal-sugaha Boqortooyada Imaaraadka

0 in by Burco Office
  • Visits: 647
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta la kulmaya dhaxal-sugaha Boqortooyada Imaaraadka

    Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta la kulmaya dhaxal-sugaha Boqortooyada Imaaraadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta la kulmaya dhaxal-sugaha Boqortooyada Imaaraadka
Isniin, April, 10, 2017 (afka) –Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa gaaray magaalladda Abu-dubai ee xarunta Imaraadka carabta.

Mudane Farmaajo, ayaa maanta lagu wadaa in kullan uu la qaato dhaxal-sugaha Boqortooyada Imaaraadka ahna Taliyaha Ciidamada Wadankaasi.

Kullanka labada dhinac ayaa waxaa la sheegayaa in waxyaabaha lagu soo qaadi doono ay ka mid yihiin arrimo la xiriira saldhiga militari ee Imaaraadka ay ka dhisaneyso dekadda Berbera ee deegaanadda maamulka Somaliland.

Sidoo kale waxaa jira warar ay warbaahinta carabta ay qorayaan oo sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu u tagay Imaaraadka sidii xal looga gaari lahaa dhismaha saldhiga militari.

Dowladda Federaalka ee Somaaliya, ayaa horay u muujisay sida ay uga xuntahay damaca imaaraadka ay ka leeyihiin dekadda Berbera.

Baarlamaanka Soomaaliya waxaa horyaalla Mooshin ay keeneen qaar ka mida Xildhibaanada oo ay uga soo horjeedaan Saldhigga Milatari ee Berbera.

Bishii lasoo dhaafay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa Pro Jawaari u gudbiyay Mooshinkan.

Maxey Xildhibaanadda ka yirahdeen saldhiga;-

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in Saldhiga Imaaraadka Carabta ka dhisaneyso Berbera ay tahay arrin dhaawaceysa jiritaanka Midnimada Soomaaliya, isla markaana ah xadgudub.

Xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa cirka isku sii shareereysa.

Bartamihii bishii lasoo dhaafay ee February, Baarlamaanka Somaliland ayaa ansixiyay heshiis ay Somaliland iyo Imaaraadku ku galeen in saldhig militari uu Imaaraadku ka sameysto magaalada Berbera, heshiiskaas oo soconaya muddo 25 sano ah.

Maamulka Somaliland maxey ka yiraahdeen Mooshinka ay wadaan Baarlamaanka Soomaaliya?

Maamulka Soomaaliland ayaa faragalin toos ah ku tilmaamay mooshinka ka dhanka ah saldhiga military ee Imaaraadku qorsheynayo in uu ka sameysto Berbera oo ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliland Xusseen Cige ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay mooshinka xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo intaa ku darray in marnaba Soomaaliland aqbali doonin in dowladda Soomaaliya wax saameyn ay ku yeelato heshiiska labada dhinac Soomaaliland iyo Imaaraadka ee la xiriira saldhiga military ee Berbera.

‘’Go’aanka waxaan gaaray baarlamaanka Soomaaliland oo ka aqoon badan kana waayo aragsan kan Soomaaliya oo xukuumada uu hogaamiyo Axmed Siilaanyo u ansixiyay dhaqangalka hishiiskan, sidaa daraadeed marnaba u dulqaadan meyno in la soo faragaliyo danaheena siyaasadeed iyo go’aamada aynu gaarno’’ ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Soomaaliland.

Soomaali badan ayaa ka war sugeysa go'aanada ka soo bixi doona kullamada Madaxweyne Farmaajo uu la qaadan doono madaxda dowladda Imaaraadka Carabta.