Dalka Masar Oo La Galiyey Xaalad Deg Deg Ah + [Sababta ]

0 in by Burco Office
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Masar Oo La Galiyey Xaalad Deg Deg Ah + [Sababta ]

    Dalka Masar Oo La Galiyey Xaalad Deg Deg Ah + [Sababta ]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Masar Oo La Galiyey Xaalad Deg Deg Ah + [Sababta ]
Masar (afka):- Madaxweynaha dalka Masar, Cabdulfataax al-Sisi, ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah
oo uu dalkiisa galayo muddo 3 bilood ah, tallaabadaasi oo ka dambeysay weerarradii shalay lagu qaaday laba kaniisadood oo ay leeyihiin Qibdhiyiinta, kuwaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 45 qof.



Madaxweyne al-Sisi ayaa horay u amray in ciidanka milateriga Masar uu howlgalo ka sameeyo guud ahaan dalka oo dhan.
 
 
Ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ayaa sheegay in uu fuliyay weerarradaasi ka dhacay kaniisadaha ku yaalla magaalooyinka Tanta iyo Alexandria.

Masiixiyiinta laga tirada badan yihiin ee Masar ayaa waxaa horay loola beegsaday weerarro noocan ah.

Weerarradan ayaa kusoo beegmay xilli muhiim u ah taariikhda Masiixiyiinta oo ay xusaan markii nebi Ciise CS uu galay magaalada Qudus.

Baaderi weynaha Catholiga, Pope Francis, oo isu diyaarinaya in todobaadyada soo socda uu booqdo Masar si uu taageero ugu muujiyo Masiixiyiinta dalkaasi, ayaa cambaareeyay weerarrada.