xogyaha arimaha wadan maraykanka oo shir ku leh wadanka talaayinga qaar ka tirsan wasiirda ururka G7

0 in by Burco Office
  • Visits: 631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    xogyaha arimaha wadan maraykanka oo shir ku leh wadanka talaayinga qaar ka tirsan wasiirda ururka G7

    xogyaha arimah dabed wadanka maraykan oo shir kula leh wadanka talayaaniga wasiiro ka tirsan ururka G7

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

xogyaha arimah dabed wadanka maraykan oo shir kula leh wadanka talayaaniga wasiiro ka tirsan ururka G7
Italy(afka):- Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, Rex Tillerson ayaa maanta magaalada
Lucca ee dalka Talyaaniga kula kulamaya wasiiradda arrimaha dibedda ee dalalka xubnaha ka ah ururka G7.



Kullanka wasiiradda arrimaha dibedda ee G7 ayaa labada maalmood ee soo socda waxaa si weyn looga doodi doonaa sidii loogu qancin lahaa madaxweyne Putin, in uu soo afjaro taageerada milateri ee uu siiyo madaxweyne Assad-ka Suuriya iyo sidii loo dardar gelin lahaa wadahadalada nabadda ee dalkaasi.
 
 
Xoghayaha arrimaha dibedda ee Britain, Boris Johnson, ayaa la filayaa in uu xoogga saaro sidii cunaqabateyn cusub loogu soo rogi lahaa Ruushka, haddii uu dalabyadaasi ku gacan sareeyo

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, Rex Tillerson, oo shirka ka dib la filayo in uu u duulo Moscow, ayaa rajaynaya in uu helo taageerada dalalka G7 si uu dalabyo adag u hordhigo madaxda Ruushka.

Mr. Tillerson oo warbaahinta la hadlay maalmihii lasoo dhaafay, ayaa sheegay in muhiimadda ugu weyn ee ay Washington ka leedahay Suuriya ay hadda tahay sidii meesha looga saari lahaa ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga.

Taasi marka laga guul gaaro ka dib, ayuu sheegay in Maraykanka uu diiradda saari doono hannanaka siyaasadeed ee la filayo in aakhirka xukunka looga qaado madaxweyne Assad.