xidhiidha jarmalka iyo turkiga oo xumaadey iyo sababah keenaya

0 in by Burco Office
  • Visits: 1722
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    xidhiidha jarmalka iyo turkiga oo xumaadey iyo sababah keenaya

    xidhiidha wadanka jarmalka iyo turkiga xumaadey iuo sababaha keenaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

xidhiidha wadanka jarmalka iyo turkiga xumaadey iuo sababaha keenaya
Xidhiidhka Waddanka Turkiga iyo Jarmalka oo Sixumanaaya iyo Dawlada Jarmalka oo Sheegtay in Wadaado Basaasiin ah uu Turkigu Keeno Jarmalka Xidhiidhka Labada Waddan ee Jarmalka iyo Turkiga ayaa mudooyinkii danbe sii xumaanayay kaas oo gaadhay heer uu Madaxwaynaha Turkigu Dhowr Jeer Hadal Qalafsan ku gano waddanka Jarmalka oo Mararka Qaar lasimay Naasiyiintii Wakhtigii Hitler Latinjiray, labanDal oo Cilaaqaad Wanaagsan lahaa in kabadan 40 Sanno ayaa waxa soo kala dhexgalay Madmadaw ku Aadan Xidhiidhkooda Dublamaasi kadib Markii waddanka Turkiga uu kadhacay Inqilaabkii Milatari ee FashilmaySannadkii Hore.



Madaxwayne Erdogan oo ah Hogaamiye Meelsare Gaadhsiiyay Waddanka Turkiga kaas oo kadhigay Wadan Dhaqaale ahaan isku filan Sidoo kalana aan Xiiso Badan u qabin in uu Midawga Yurub kamidnoqdo, waxa Awoodaha Turkay sii Xoojisay Xiisadaha Colaadeed ee kataagan Bariga Dhexe yada oo Turkigu Noqday Waddanka Yurub Kaga Gudban Malaayiin Soogalooti ah kuwaas oo Qarqin Kara Nolosha Wadamada Qaarada Yurub.


Waxana Turkigu Wadamada Qaarada Yurub kula jiraan Heshiisa Dhigay in uu Xidho Xuud Badeeda uu lawadaago Waddanka Giriiga sidoo kalana uu Qaato Qaxoontiga kusugan Xeebaha Giriiga iyada oo Badalkeeda Midawga Yurub Turkay Siinayo Malaayiin Dollar ah heshiiskan oo ah mid taabo galay noday ayaa waxa u Xagaldaacay markii Xukuumada Erdogan Kabadbaaday Inqilaab Milatari kaas oo Ficiladii ay kaga Jawaabtay laga Canbaareeyay Wadamada Yurub qaarkood.

Sidoo kale waxa Canbaaray lakumay Qorsha Erdogan uu Rabo in uu Dastuurka dalkaas kubadalo kaas oo Awoodo Badan siindoona Madaxwayen Erdogan Hadii uu kuguulayso Codaynta Dhawaanta Kadhacaysa Dalkaas

Wasiira Arimaha Gudaha ee Dalka JarmalkaThomas de Maizière ayaa sheegay in Waddanka Turigu uu Dalkiisa keenay Wadaado Basaasiin ah oo kasocda waaxda Amuurada diinta u qaabilsan Turkiga kuwaas oo Basaasa Masaajidyada Wadanka Jarmalka kuyaal ee ay Ku Cibaadaystaan Dadka Turkiga ahi, Waana Xaalad kale oo Muujinaysa Sida ay labada Dal usii kala fogaanayaan