Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Kormeer Ku Tagay Dekeda Magaalada Muqdisho+Sawiro

0
Monday April 10, 2017 - 17:07:12 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Kormeer Ku Tagay Dekeda Magaalada Muqdisho+Sawiro

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta kormeer howlleed ku tagey Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho, si uu ugu guur galo hannaanka ay u shaqeyso Dekaddu,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta kormeer howlleed ku tagey Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho, si uu ugu guur galo hannaanka ay u shaqeyso Dekaddu,

 isla markaana loo ilaaliyo dhaqaalaha laga aruuriyo dadka isticmaala Dekadda, maadaama ay dekaddu yeelatay maamul cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan gaar ah la yeeshay maamulka Dekadda, waxa uuna ka xog-wareystay qaabka ay u shaqayso dekaddu, caqabadaha ka jira iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo tayayn karo adeegyada ay dekaddu u hayso shacabka Soomaaliyeed, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara musuq maasuq iyo




ku takrifal hanti dadweyne.

 

Mudane Kheyre ayaa ku booriyey madaxda iyo shaqaalaha ka howlgala Dekadda in ay ilaaliyaan Masuuliyadda lagu aaminay maadaama ay Dowladdu wado qorshe lagu wada xisaabtamayo, isagoo carabka ku adkeeyay R/wasaaruhu inaan la aqbali doonin in shaqsi gaar ah uu ku takri falo dhaqaalaha Dowladda.Wuxuna kula dar-daarmay maamulka Cusub in ay derder geliyaan shaqooyinka muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u hayso Dekaddu.

----DHAMMAAD---

Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM