Kuuriyada Waqooyi ayaa iclaamisay dagaalka dhan ah maraykanka

0
Tuesday April 11, 2017 - 10:01:40 in by Burco Office
  • Visits: 801
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuuriyada Waqooyi ayaa iclaamisay dagaalka dhan ah maraykanka

    Kuuriyada Waqooyi ayaa iclaamisay dagaalka dhan ah maraykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kuuriyada Waqooyi ayaa iclaamisay dagaalka dhan ah maraykanka

Xukuumada

Kuuriyada Waqooyi ayaa

sheegtay inay heegan ugu jirto iska difaacida duulaan ay sheegtay inuu uga imaanayo dhinaca Maraykanka.


"Diyaar baa u nahay Dagaal kasta oo uu Maraykanka bilaabo…” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Wasaarada Arrimaha Dibada ee Kuuriyada Waqooyi.

Hadalka kasoo baxay Kuuriyada Waqooyi ayaa jawaab u ah Maraakiibta dagaalka oo uu Maraykanka usoo diray bada Kuuriya.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa amray in Lix Markab oo dheeraad ah oo uu ku jiro midka xambaaraha diyaaradaha dagaalka ee USS Carl Vinson.

Mr.Trump ayaa horey u sheegay inuu tilaabo adag ka qaadi doono wadankaasi Kuuriyada Waqooyi oo muddooyinkii danbe waday tijaabinta gantaalada iyo hubkooda casriga ah.

Duqeyntii uu Maraykanka la beegsaday dalka Siiriya ayey dad badan u arkeen ina digniin u tahay dalkaasi Kuuriyada Waqooyi. Maraykanka ayaa ku cadaadinayey in arrintan soo faro geliso dowlada China ah oo tan kaliya ee taageerada dhaqaale iyo siyaasadeed siisa xukuumadaasi Pyongyang.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhawaan u dabaal degaysa xuskooda sanadlaha ah oo ay kusoo bandhigaan hubkooda culus, waxaana laga cabsi qabaa in sanadkan ay sidoo kale kusoo beegaan tijaabinta mid kamid ah bambaanooyinkooda nukliyeerka.