Dalalka G7 Oo Ruushka Uga Baaqay Joojinta Taageerada Madaxweyne Bashar Assad.

in by Burco Office
  • Visits: 472
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalalka G7 Oo Ruushka Uga Baaqay Joojinta Taageerada Madaxweyne Bashar Assad.

    Dalalka G7 Oo Ruushka Uga Baaqay Joojinta Taageerada Madaxweyne Bashar Assad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalalka G7 Oo Ruushka Uga Baaqay Joojinta Taageerada Madaxweyne Bashar Assad.

-Kulankii Wasiirada Arrimaha dibada ee dalalka G7 ayaa laga soo saaray baaq ku socda Ruushka oo laga codsaday inuu joojiyo taageerida xukuumada Suuriya ee Bashar Al Assad.


Shirka G7 oo shalay ka dhacay magaalada Lucca ee dalka Talyaaniga ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada arrimaha dibada ee dalalka; Maraykanka, UK, Talyaaniga, Faransiiska, Canada, Germany iyo Japan.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee UK Boris Johnsson ayaa sheegay in cunaqabateyn dheeraad ah lasaari doono Ruushka iyo Bashar Al Assad, hadii aysan joojin dagaalada shacabka lagu xasuuqo ee wadankaasi Siiriya.

Xoghayaha Arrimaha Dibada Rex Tillerson oo maanta oo Salaasa ah usii gudbi doona magaalada Moscow ayey wasiirada G7 usii dhiibeen fariin ku socota Xukuumada Ruushka inay faraha kala baxdo dagaalka sokeeye ee Siiriya.