Maxkamadda Millatiriga Pakistan Oo Dil Ku Xukuntay Nin Ka Tirsan Sirdoonka Dalka Hindiya.

0 in by Burco Office
  • Visits: 624
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Millatiriga Pakistan Oo Dil Ku Xukuntay Nin Ka Tirsan Sirdoonka Dalka Hindiya.

    Maxkamadda Millatiriga Pakistan Oo Dil Ku Xukuntay Nin Ka Tirsan Sirdoonka Dalka Hindiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Millatiriga Pakistan Oo Dil Ku Xukuntay Nin Ka Tirsan Sirdoonka Dalka Hindiya.

-Maxkamada militiriga ee Pakistan ayaa ku xukuntay sarkaal ciidamada badda ee dalka Hindiya in la dilo kaasoo lagu eedeeyay basaasnimo iyo falal la mid ah oo waxyeeleyn iyo kharibaad.


Hadal qoraal ah ayuu militiriga Pakistan ku sheegay in Kulbhushan Jadhav, kaas oo la xiray bishii March 2016, uu ahaa sarkaal ciidamada sirdoonka Hindiya oo maal galinayay hawlaha argagixiso ee gobolka Balochistan ee koonfur-galbeed iyo koonfurta magaalada Karachi.

Taliyaha Ciidamada Jeneraal Qamer Javed Bajwa ayaa xaqiijiyay xukunka dilka ah,” ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo ay soo saareen militariga maanta, iyado aan la xaqiijin marka dilka la fulin doono.

Ciidanka Pakistan ayaa sii daayay fiidiyoow muuqaal ah wax yar ka dib markii la xiray isagoo qirtay inuu sanada badan ka shaqeenayay inuu ku beero xasillooni daro wadanka Pakistan oo loo xilsaaray sirdoonka Hindiya ee qorshaynta, isku dubaridka iyo abaabulka howlaha basaasnimo iyo waxyeeleynta Balochistan "taasoo lagu doonayo khalkhal iyo dagaal ka dhan ah Pakistan” .