Trump oo taageero u muujiyay NATO

0
Thursday April 13, 2017 - 10:58:19 in by
  • Visits: 667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo taageero u muujiyay NATO

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in gaashaanbuurta NATO ay tahay mid shaqeysa, asagoo ka laabtay hadal horay uu u sheegay oo ahaa in aanay waxtar lahayn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in gaashaanbuurta NATO ay tahay mid shaqeysa, asagoo ka laabtay hadal horay uu u sheegay oo ahaa in aanay waxtar lahayn.

Mr Trump oo aqalka cad ku qaabilay xoghayaha guud ee NATO, Jens Stoltenberg, ayaa sheegay in khatarta argagixisada caalamiga ah ay muujisay muhiimadda gaashaanbuurtaasi.

Waxa uu ugu baaqay NATO in ay juhdi dheeri ah ku bixiso dalalka Ciraaq iyo Afghanistan.

Mr Trump ayaa markii uu u tartamayay madaxtinnimada Maraykanka waxa uu si joogta ah su'aal u gelin jiray muhiimadda NATO, asagoo ka cabanayay kharashka uu Maraykanka ku bixiyo xubinnimadeeda.

Balse madaxweynaha Maraykanka ayaa weli rumaysan in dalalka kale ee NATO ka tirsan looga baahan yahay in ay kordhiyaan kharashkooda gaashaandhigga.

Kulanka Trump iyo Stoltenberg ayaa dhacay saacado ka dib markii uu xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka Rex Tillerson caasimadda Moscow wadahadal kula yeeshay madaxweyne Vladimir Putin.




Xigasho/BBc Somali