Bangladesh oo daldashay nin 2004tii weeraray danjirihii Britain

0 in by Ankara Turkey
  • Visits: 723
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bangladesh oo daldashay nin 2004tii weeraray danjirihii Britain

    Bangladesh oo daldashay nin 2004tii weeraray danjirihii Britain

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bangladesh oo daldashay nin 2004tii weeraray danjirihii Britain
Dawladda Bangladesh ayaa daldashay nin toban sano ka hor bam ku dhaawacay danjire sare oo reer Britain ah.
Mufti Abdul Hannan oo ahaa hogaamiyaha Xarakatul Jihad Al Islami iyo labo ruux oo kale oo lala xiriiriyay ayaa isku mar la daldalay Arbacadii.
Dhamaantood waxaa lagu helay dambi ah in ay ka dambeeyeen weerarkii 2004tii ka dhacay masaajid ay Suufiyo leeyihiin, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan saddex ruux.
Danjire Anwar Choudhury ayuu dhaawac lugta ka soo gaaray wakhtigaas.
Choudhury, oo ku dhashay Sylhet ayaa shaqada hayay 18 maalmood marka uu weerarkaasi haleelay.
Choudhury oo hadda ah safiirka Peru ayaa wakaaladda waraka ee AFP markaas u sheegay "in bamku uu ku dhacay calooshiisa balse uusan markiiba qarxin.
"Waxaan ku dhacay meel u dhaw lugaha madaxa degmada, markaas ka dib ayuuna bamkii qarax wayn sameeyay.
Mufti Abdul Hannan ayaa ka soo dagaalamay Afghanistan isaga oo ka soo horjeeday Midawgii Soviet ka hor inta uusan ku biirin jabhadda magaceeda loo soo gaabiyo HuJI, taas oo lagu eedeeyay in ay ka dambaysay dagaallo dhawr ah.
Bangladesh oo laysay dad argagixiso looga shakisan yahay
Ninkii "maleegay" weerarkii makhaayadda Bangaladhesh oo la dilay
Dibad bax ka dhan ah dhibka haysto Muslimiinta Rohingya
Tobankii ruux ee adduunka ku dhimata mid ka mid ah ayaa sigaar eersaday
Dacwad oogeyaashu waxay sheegeen in uu ururukaas hogaaminayay tan iyo dhamaadkii 1990-meeyadii, laakiin xaaskiisa oo Arbacadii hadashay ayaa sheegtay in uusan gaysanin dhammaan dambiyadii lagu soo oogay.
Bishii hore ayay malayshiyadu bam ku tuureen gaari uu xabsi leeyahay oo uu saarnaa, waxaana lagu warramay in ay ahayd isku day ay ku doonayaan in ay ku sii daayaan.
Dadaalkii u dambeeyay ee lagu doonayay in xukunkooda lagu badalo oo laga dhigo xabsi daa'in ayaa guuldaraystay 2008dii.