Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadlay Xubno Urur Diimeed Kaga Dhawaaqay Somaliland Oo La Xidhay Iyo Xaaladda Deegaanada Colaaddu Kasoo Cusboonaatay Ee Koonfurta Gobolka Sool.

0
Thursday April 13, 2017 - 16:23:56 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadlay Xubno Urur Diimeed Kaga Dhawaaqay Somaliland Oo La Xidhay Iyo Xaaladda Deegaanada Colaaddu Kasoo Cusboonaatay Ee Koonfurta Gobolka Sool.

    Hargeysa(AFKA);Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon), ayaa ka hadlay koox magac diimeed sheegatay oo Somaliland lagu xidhay iyo xaaladda nabadayntalabada beelood ee walaalaha ah ee shaqaaqa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon), ayaa ka hadlay koox magac diimeed sheegatay oo Somaliland lagu xidhay iyo xaaladda nabadayntalabada beelood ee walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhex martay deegaanno ka tirsan gobolka Sool.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in Somaliland ka xukuumad ahaan in ay ka go’an tahay inay nabad waarta ka dhex abuurto labada beelood ee walaalaha ah.

Wasiirku wuxuu sidaas ku sheegay waraysi khadka Talefoonka uu ku siiyay wargeyska Dawan isagoo ku sugan magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool.

Ugu horrayn Wasiir Faratoon oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay urur diimeed Hargeysa lagaga dhawaaqay iyo dad loo xidhxidhay,waxaanu yidhi; "Horta waa urur qaldan oo wax qaldan ku baaqay kuna socda dariq qaldan oo ummadda dhib ku ah laakiin maaha urur diimeed sax ah waxayny ognahay diinteenna Islaamku waa mid qudha oo sax ah taasina waa ta ay ummaddu ku dhaqan tahay kuna jirto ummad Islaam ah ayaynu nahay wax kasta oo sax ah oo diinteenna suuban ee Islaamka ahna waynu ku dhaqmaynaa culimadiinna way inoo joogta laakiin kooxdani waa koox qaldan oo aan sax ahayn oo fidmo dadka kala dhex dhigaysa oo magac diimeed ku gabanaya markaa waxyaabaha sidaas ah ee qaldan ee umadda lagu fidmaynayo dawladda xilbaa ka saaran in ay ka qabato oo ay dadka nabadgelyadooda iyo diintoodaba u ilaaliso markaa urur diimeed sax ah oo Islaamnimo sax ah wada dawladdu may xidhin ee waxaa la xidhay dad qaladan o fikir qaldan xambaarsan.”

Wasiirka oo ka jawaabayay xaaladda deegaannada gobolka Sool ee dhawaan shaqaaqadu ay ku dhex martay labada beelood iyo waxyaabaha u qabsoomay illaa hadda ,waxaanu yidhi "Xaaladdu hadda way deggan tahay wax dambena may dhicin hawshii nabadayntana waanu ku gudo jirnaa gacanta ayaanay imika dawladdu ku haysaaa laakiin waxaa jira deegaano badan oo miyi ah oo ay labada beelood wada degaan waxaana socda imika kulamo iyo wada hadallo dhionacyada aanu la leenahay waxaana jira dedaalo badan oo aanu ugu jirno in ay nabadi ka aslaaxdo labada beelood dhexdooda sababtoo ah qofka qof muslim ah dilaa waa dambi wayn oo ALLE laga galay waana sababaha abaaruhu innoogu daba dheeraadeen ee ay dhibaatadu innoogu badan tahay mar kasta oo ay colaad iyo is dil dhacdo oo nabad gelyada cidda ka shaqaynayasa la maqli waayo waxaa dhacaysa masiibo dadka wada saamaysa markaa waxaan dadka labada beeloodna aan ku waaniyanaa in ay ALLE ka baqaan oo ay nabad gelyada qaataan oo ay colaadda joojiyaan.”

Wasiirka oo ka hadlayay dad warbaahinta ka hadlayay oo Xukuumadda ku dhaliilay in aanay nabadaynta labada beelood daacad ka ahayn iyo in ay qayb ka tahay colaadda labada beelood,ayaa yidhi. "Xukuumadda Somaliland waa la ogyahay waxay ka qabatay deegaankan iyo siday uga hawlgashay joojinta colaadan iyo nabadaynta labadan beelood iyo cid kasta oo shaqaaqo ay dhex martaba laakiin cidda sidaa u hadlaysa ee dawladda ku eedaynaysa in aanay daacad ka ahayn waxaan u arkaa in ay yihiin kuwo iyagu aan ka damqanayn dadka walaalaha ah ee shaqaaqadan ku dhimanaya ama ku dhaawacmaya ama ku baro kacaya waxaanay ahayd dadka sidaa u hadlaya in aanay warbaahintu waxba ka qorin waxaanan warbaahinta u soo jeedinayaa in ay nabadda ka qayb qaataan oo aanay waxba ka qorin warkoodana sii dayn cid kasta oo nabad gelyada wax lid ku ah ku hadlaya.”