Kaalmihii Shidaalka Oo Cirka Ku Shareeray iibka Sixirka Shidaalka

0
Thursday April 13, 2017 - 16:56:44 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaalmihii Shidaalka Oo Cirka Ku Shareeray iibka Sixirka Shidaalka

    Mudaharaadyo ayaa waxaa ay saaka ka dhaceen qeybo kamid ah suuqyada waa weyn ee magaalada Hargeysa iyada oo ganacsatadu ay ka cabaneyso sicir bararka oo gaadhey halkii ugu sareysay .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudaharaadyo ayaa waxaa ay saaka ka dhaceen qeybo kamid ah suuqyada waa weyn ee magaalada Hargeysa iyada oo ganacsatadu ay ka cabaneyso sicir bararka oo gaadhey halkii ugu sareysay .

Badiiba kaalmaha shidaalka ka ganacsada ayaa maanta iyan aan iibanan shidaalka halka qaar kalena ayaa kor u kiciyeen shidaalkii oo ay 1letir ay siinayan 7500 oo shilinka Somaliland ah.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa xal u helida sicir bararkan iyo waliba kor u qaadida qiimaha lacagta Somaliland waxa uu digreeto ku magacaabay guddi ka kooban wasiiro,wasiiro ku xigeen,agaasimayaal,Xeer ilaaliyaha guud iyo gudoomiyaha Baanka dhexe,taas oo aan la garanayn halka ay ku danbeeyeen,waxaana ay noqdeen kuwo fadhiid ah oo aan ka hawl galin arrimaha loo xil saaray ee xal u helida Sicir bararkan ragaadiyey shacabka Somaliland

 

Si kastaba ha ahaate Xukuumadda Somaliland iyo guddigii madaxwayne Siilaanyo u magacaabay la dagaalanka Sicir bararka ayaa ku fashilmay inay xal u helaan sicir bararkan dalka ka taagan,kor u kaca qiimaha dollarka iyo hoos u dhaca balaadhan ee lasoo darsay lacagtii Shilling Somaliland taasi oo taabatay noloshada bulshada dan yarta ee ku dhaqan gudaha Somaliland