Dawlada Pakistan Oo Ka Hadashay Bamkii Ugu Weynaa Oo Maraykanku Ku Soo Riday.

0
Friday April 14, 2017 - 13:17:15 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Pakistan Oo Ka Hadashay Bamkii Ugu Weynaa Oo Maraykanku Ku Soo Riday.

    Milateriga Maraykanka ayaa markii ugu horaysay adeegsaday bamkii ugu weynaa ee aan nukliyeer ahayn, kaasoo ay la beegsadeen ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ee ka dagaallama bariga Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Milateriga Maraykanka ayaa markii ugu horaysay adeegsaday bamkii ugu weynaa ee aan nukliyeer ahayn, kaasoo ay la beegsadeen ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ee ka dagaallama bariga Afghanistan.

Gudoomiyaha degmada Achin ee gobolkaasi, Ismaaciil Shinwari, ayaa sheegay in ay meel fog ka arkeen dhimbilo dab ah iyo qiiq ka kacay deegaanka uu bamka ku dhacay.Bamka oo lagu tilmaamo "hooyada bambooyinka" ayaa qaraxiisu waxa uu la eg yahay midka ay sameeyaan 11 tan oo ah maadada TNT, waxaana Maraykanku uu ku riday godad ay adeegsadaan dagaalyahannada ururka dowladda Islaamiga ee gobolka Nangarhar.

Taliyaha ciidanka Maraykanka ee ku sugan Afghanistan,


Jen. John Nicholson, ayaa sheegay in bamkaasi uu yahay hubka ugu haboon ee lagu waabin karo kooxaha mintidiinta ah.

 

Afhayeen u hadlay madaxtooyada Afghanistan ayaa isna sheegay in bamkaasi uu khasaare lixaad leh u geystay dagaalyahannada dowladda Islaamiga.

Dhanka kale madaxweynihii hore ee Afghanistan, Xamiid Karzai, ayaa cambaareeyay adeegsiga bamkaasi, waxaana uu Maraykanka ku dhaliilay in uu dalkiisa ku tijaabinayo hub cusub.

Mr Karzai ayaa intaa ku daray in Afghanistaniyiinta ay u taallo waxa ay ka yeelayaan Maraykanka.

 

 

 

Source:-BBCsomali