Kuuriyada Waqooyi Oo ku Guuldareysatay Tijaabo Gantaal.

0 in by Burco Office
  • Visits: 1028
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuuriyada Waqooyi Oo ku Guuldareysatay Tijaabo Gantaal.

    Kuuriyada Waqooyi Oo ku Guuldareysatay Tijaabo Gantaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kuuriyada Waqooyi Oo ku Guuldareysatay Tijaabo Gantaal.

Kuuriyada Waqooyi Oo ku Guuldareysatay Tijaabo Gantaal.

Kuuriyada Waqooyi ayaa ku guul daraysatay gantaal ay ku tijaabisay bariga xeebta dalkaasi, waxaa sidaasi sheegay saraakiiisha milatiriga Kuuriyada koonfureed iyo Maraykanka, maalin uun ka dib markii xukuumada Pyongyang ay digniin u jeedisay Maraykanka xili ay sii xumaaneyso xiisada ka jirta gobolka.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in gantaalkaasi uu burburay ilbiriqsiyo kaddib markii la ganay.

Maalintii shalay, Kuuriyada Koonfureed ayaa soo bandhigtay wax u muuqday in ay ahaayeen gantaalada balastikada.

Xukuumada Pyongyang ayaa horay shan jeer u tijaabisay hubka Nukleyrka iyo dhowr gantaal, taasi oo ka soo horjeeda qaraarkii qaramada midoobey.

Talaabadani ugu danbaysay ayaa ku soo beegmaysa xili madaxwayne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence uu gaaray caasimada Kuuriyada Koonfureed ee Seoul, halkaas oo la filayo inuu uga qeyb galo wadaxaajood ku saabsan qaabka ugu wanaagsan ee loola tacaali karo barnaamijka Nukleyrka iyo gantaalada Kuuriyada Waqooyi.

"Kuuriyada Waqooyi waxa ay isku dayday in ay ku tijaabiso gantaal aan noociisa la sheegin ''bariga dekadda Sinpo,'' waxaa sidaasi sheegay wasiirka gaashaandhiga Kuuriyada Koonfureed, wuxuuna intaa ku daray in tijaabadi axadii "ay guul daraystay ".

Awooda milateri ee Kuuriyada waqooyi.
Awooda milateri ee Kuuriyada waqooyi.

Wasaarada gaashaandhiga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in ay wali baarayso faahfaahinta la xiriira arintan.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Baasifiga ayaa xaqiijiyay dhankooda tijaabada guul daraystay, waxaa ayna intaa ku dareen in ay dabagal ku sameeyeen doonaan wax la rumaysan yahay in uu ahaa gantaal nooca balaastikada oo ay riday Kuuriyada Waqooyi.

"Gantaalka ayaase burburay islamrkiiba," waxaa sidaasi wakaalada wararka ee Reuters u sheegay abaanduulaha ciidamada badda Maraykanka Mr Dave Benha.

Maalintii sabtida ayay ahayd markii Kuuriya Waqooyi laga xusay 105 guuradii ka soo wareegatay dhalshada ninkii dhidabada u aasay dalkaasi oo oo lagu magacaabi jiray Kim Il-sung, waxaa ayna dowlada Kuuriyada Waqooyi hakaasi kusoo bandhigtay awoodeedaa milateri.