Van Gaal Oo Ka Hadlay Guuldaradii Xuliisa Netherlands Ka Soo Gaadhay Argentina

0
Thursday July 10, 2014 - 11:52:37 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1069
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Van Gaal Oo Ka Hadlay Guuldaradii Xuliisa Netherlands Ka Soo Gaadhay Argentina

    Tababaraha xulka qaranka Netherlands Van Gaal ayaa qirtay in ay fiicnayd Tim Krul inuu badal ku soo galiyo markii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha xulka qaranka Netherlands Van Gaal ayaa qirtay in ay fiicnayd Tim Krul inuu badal ku soo galiyo markii

 ay ciyaartii Netherlands iyo Argentina gaadhay rekoore yaasha.Waxaa la xasuustaa markii Van Gaal daqiiqadihii ugu danbaysay waqtiga dheeriga ah ee ciyaarti sideed dhamaadka koobka aduunka ee Holland rekoorayaasha ku reebtay Costa Rica uu badalka ku soo galiyay Tim Krul kaas oo laba jeer rekoore ka badbaadiyay wadankiisa. Van Gaal ayaa ku calaacalay in haddii ay u hadhsanayd hal badal inuu Tim Krul badal ku soo galiyaa inay fiicnayd.

Inkasta oo bandhiga ciyaarta ee goolhaye Cillessen fiicnayd, haddana wuxuu awoodi waayay inuu hal rekoore badbaadiyo taas oo keentay in afar jeer oo ay Argentina goolkiisa ku laagatay ay shabaqa soo taabtaan.

Tababare Van Gaal oo arimahaa ka hadlaya ayaa yidhi: "Haddii aan ciyaarta badalku soo galin lahaa Jasper waan samayn karaayay, laakiin waxaan wada isticmaalay saddexdii badalka ahaa markaa taas maan samayn karaynin. Waxaan badalay Daryl Janmaat oo aan ku badalay Bruno Martins Indi waayo kaadh digniin ah ayuu qabay.

"Sidoo kale maan doonayn inaan halis galiyo Nigel De Jong waxaanan doorbiday in Jordy Clasie uu dhanka weerarka caawin karo, waxaan ciyaarta ka saaray Robin Van Persie waayo aad ayuu u daalay.

Inkasta oo ay Netherlands niyad jab la kulantay kulankii xalay haddana malaha waxay ka baro dhaafiyeen wixii laga rajaynayay ka hor intii uusan koobka aduunku bilaamin. Van Gaal ayaan ayaan qarsan inuu ku faano guulihii uu ka soo gaadhay koobka aduunka.

"Waxaanu soo qaadanay tartan fiican, may jirn qof aaminsanaa in aanu soo dhaafayno heerka groupka ee koobka aduunka, intaa kadib waxaanu soo garaacnay Mexico kuwaas oo ay adag tahay in laga badiyaa. Argentina waa wadan heer sare ah oo haysta ciyaartoy heer sare ah rekoore yaashuna waa nasiib.waa habka ugu xun in aad rekooreyaal ku guul daraysato laakiin sida kale waxaanu ahayn kooxda fiican ama ugu yaraan Argentina isku mid baanu ahayn.



Afkashacabka.com / Cayaaraha
Contact@afkashacabka.com