Maxbuus Boqolaal Gaadiid Ahi Xabsiga U Sii Galbiyeen

0
Thursday May 04, 2017 - 09:21:05 in by Burco Office
  • Visits: 502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxbuus Boqolaal Gaadiid Ahi Xabsiga U Sii Galbiyeen

    Maxbuus Boqolaal Gaadiid Ahi Xabsiga U Sii Galbiyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxbuus Boqolaal Gaadiid Ahi Xabsiga U Sii Galbiyeen

Hoggaamiyaha ugu Caansan Maafiyada Dalka Turkiga ayaa xukuumada dalka Turkigu ku xukuntay Xadhig muddo 10 bilood ah, balse markii lagu sii waday xabsigii lagu xidhi lahaa oo ku yaalla Magaalada Istanbul ayaa waxa sii galbiyay 100 gaadhi, kuwaasi oo sii dhawaynayay.

Genghis Haclar waa hoggaamiyaha ugu caansan Maafiyada ka hawl gasha dalkaasi Turkiga, waxaanu Dalkaasi soo galay Sanadkii 2016kii, sababta ay xukuumadu ugu fulisay Xukunkana waxay ku sheegtay inuu Rag Maal qabeeno ah oo u dhashay Turkiga uu ku qasbay inay saxeexaan jeegag lagu maalgalinayo Ciidanka Turkumaanka ee kasoo hor jeeda Dawlada Turkiga ee ka Dagaalama waqooyiga dalkaasi, sida lagu soo bandhigay barta Internet-ka ee CNN ee ku baxa Afka Turkiga.

Waxa kale oo ay warbixintu intaasi ku dartay in xabsiga lagu xidhayo Genghis uu ku yaallo Magaalada Istanbul gaar ahaan qaybteeda ku taalla Qaarada Asia, Xabsigaasi ayaa magaciisa la yidhaa Maltbh.

Galbiska maxbuuskan ayaa lagu sifeeyay inay ahayd mid uu ku soo bandhigayey awoodiisa

waxaanu yidhi Genghis "Anagu waxaanu ku soo kornay waddooyinka, waxaanan muddo ku jirayaa xabsiga, waxaanan soo bixi doonaa aniga oo intan ka awood badan, laakiin waxaan idiin sheegayaa in Turkigu aanu u baahnayn Maafiya ee uu baahan yahay Aqoonyahano iyo siyaasiyiin ee taa ogaadaaā€¯.

Ninkan hoggaamiyaha Maafiyada ayaa waxa uu u dhashay Dalka Turkiga waxaana la sheegay in uu hore uga mid ahaa Maafiyada Dalkaasi Ruushka, waxaanay Dadka taageeraa u yaqaanaan inuu yahay nin maalqabeen ah oo shirkado badan leh, taasoo waxba kama jiraan ah sida ay Dawladda Turkigu xaqiijisay.