Qisada Wiilkii Yamaniga Ahaa Ee Ku Biirey Booliska Yuhuudda.

0
Friday May 05, 2017 - 12:44:17 in by Super Admin
  • Visits: 654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qisada Wiilkii Yamaniga Ahaa Ee Ku Biirey Booliska Yuhuudda.

    Iyadoo Israa'iil u diyaargaroobayso xuska sanadguuradeedii 69 ee ka soo wareegtay markii ay boobka ku qabsatay dhulka Falastiin ee la haysto ayaa dhanka kale warbaahinta Wadankaasi waxa ay maalmahii u dambeeyey baahinaysay warar iyo barnaamijyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo Israa'iil u diyaargaroobayso xuska sanadguuradeedii 69 ee ka soo wareegtay markii ay boobka ku qabsatay dhulka Falastiin ee la haysto ayaa dhanka kale warbaahinta Wadankaasi waxa ay maalmahii u dambeeyey baahinaysay warar iyo barnaamijyo ku saabsan qisooyin kala duwan oo ay indhaha dadka ku soo jeedinayso gudaha Israa'iil, gaar ahaan muuqaalo dhalanteed ah oo ay uga dhigayso in uu yahay Wadan la wada leeyahay oo xuquuqdiisana loo siman yahay.


 


Jariirada Yedioth Ahronoth ayaa soo qaadatay qisada inan dhalinayaro ah oo asal ahaan ka soo jeeda Wadanka Yaman una haajiray Israa’iil muddo 4 sanadood ah ka hor, si mutadawacnimo ahna isu qoray ciidanka Milateriga Israa’iil.

Jariiradu waxay leedahay Eliyahu Dahir oo da’diisu gaadhayso 21 jir waxa uu Yaman soo gaadhay 4 sano ka hor isagoo ku soo galay wax uu wargaysku ugu yeedhay imaanshihii Yuhuudii yaman ee dhulka Israa’iil, waxana uu ka yimid Magaalada Camraan oo duleedka Sanca ku taalla, markii uu soo gaadhay Israa’iil waxa uu arday ka noqday School lagu barto diinta Yuhuuda oo ku yaalla degmooyinka Israa’iil dhistay ee Bani-Brack, laakiin waxa uu goor dambe joojiyey barashadii diinta yuhuuda waxana uu is geeyey goobaha laga qoro ciidamada si uu noloshiisa u debbero oo dhaqaale u helo.

Eliyahu Dahir ayaa Wargayska u sheegay in talaabadaa uu qaaday ay ahayd riyadiisii caruurnimo, gaar ahaan in uu noqdo askari dagaalyahan ah, inkastoo ay xafiisyada diiwaangelinta ciidamadu u soo jeediyeen in uu milateriga ka noqdo darawaliinta gaadiidka.

Askarigani waxa uu sheegay in mudo 8 bilood ah oo uu ku sugnaa Israa’iil ay u suurogashay inuu ku qanciyo labadiisii Waalid inay ka soo haajiraan dhanka Dalka yaman, inkastoo uu sheegay in aabihii ka soo dhaqaaqay gurigiisii 4 dabaq ahaa iyo xitaa gaadhigiisii oo aanu iibsanin isagoo ka baqayey in la ogaado inuu haajirayo oo Israa’iil u guurayo.