"Anigu Waxa Aan Isku Sharraxay In Aan Cabdiraxmaan Cirro Iyo Muuse Biixi Dalka Ka Badbaadiyo" Faysal Cali Waraabe

0
Friday May 05, 2017 - 12:48:34 in by Super Admin
  • Visits: 500
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Anigu Waxa Aan Isku Sharraxay In Aan Cabdiraxmaan Cirro Iyo Muuse Biixi Dalka Ka Badbaadiyo" Faysal Cali Waraabe

    Guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo khudbad u jeedinayay taageerayaal cusub oo kaga soo biiray Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa ka hadlay siyaasada qabiilaysan ee ka jirta Somaliland wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo khudbad u jeedinayay taageerayaal cusub oo kaga soo biiray Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa ka hadlay siyaasada qabiilaysan ee ka jirta Somaliland waxaanu ugu baaqay dadweynaha inay ka digtoonaadaan waxaanu yidhi "waxa wax laga yaqyaqsoodo ah inta afar jaad doonayaa la soo kaxeeyo ay yidhaahdaan haddii aanu nahay reer hebel waxa aanu ku biirnay xisbi hebel, waa wax laga xishoodaa, anniga ayaan odhan karayn haddii aanu nahay qoyska reer Faysal xisbi ayaanu ku wad biirnay" ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.


 


Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sababta uu mar saddexaad isku sharraxay Madaxweynaha Somaliland sheegay in uu doonaya in uu dalka ka badbaadiyo labada Murrashaxa ee xisbiyadda KULMIYE iyo WADDANI Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) waxaanu yidhi "annigu waxa aan isku sharraxay mar saddexaad runta ayaan idiin sheegayaaye Cabdiraxmaan iyo Muuse Biixi ayaa dalka ka badbaadinayaa midna awood uu dalka ku wado ma leh” Eng Faysal Cali Waraabe .