Taliye Fadal Iimaan Oo Ka Qaybgalay Aaska Sarkaal Ku Dardaarmay In Ciidamada Boolisku Ay Gacantiisa Ku Aasaan.

0
Friday May 05, 2017 - 14:19:20 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 651
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Fadal Iimaan Oo Ka Qaybgalay Aaska Sarkaal Ku Dardaarmay In Ciidamada Boolisku Ay Gacantiisa Ku Aasaan.

    Hargeysa(AFKA);Taliyaha Ciidammada Bilayska JSL Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo ay weheliyaan ku xigeenkiisa iyo saraakiisha sare eeciidammada Booliska Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Taliyaha Ciidammada Bilayska JSL Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo ay weheliyaan ku xigeenkiisa iyo saraakiisha sare eeciidammada Booliska Somaliland

ayaa shalay ka qayb galay aas qaran oo loo sameeyey alla ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Sare Aadan Axmed Maxamed (Huun) oo kamid ahaa saraakiisha sare eeciidammada booliska kaasi ooshalay lagu aasay xabaalaha naasa hablood ee magaallada Hargeysa, kadib markii uu muddooyinkii u dembeeyey u jiifay xaallad caafimaad.

vlcsnap-2017-05-05-00h32m43s147

Aaska marxuumka oo ay ananka Bilayska kasokow kasoo qayb galeen hoggaannada kala duwan ee ciidanka booliska, ayaa madashii janaasadda Oo ay warbaahinta kula hadleen kaga sheekeeyey taariikhdii marxuumka iyo shakhsiyadii uu lahaa Marxuum Gaashaanle sare Aadan Axmed Guun. Ugu horeyn Jananka Bilayska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi " Alla ha u naxariistee Marxuum Aadan Guun waxaa uu ahaa sarkaal sare oo ciidanka buliiska ka tirsanaa, xilal kala duwanna kasoo qabtay illaa markii dalka la soo galay illaa maanta”, sidaa ayuu yidhi taliyaha bilaysku, waxaanu intaa ku daray "Waxa uu marxuumku ahaa nin wanaagsan waxaana dawladihii hore ee Burburtay eeSoomaaliya uu kamid ahaa saraakiishii sare ee ciidamada asluubta, intii xorriyada dib loola soo noqday ee Somalilandna waxaa uu kamid ahaa ciidamada booliska oo uu xilal kala duwan oo illaa heer hoggaan ah uu kasoo qabtay, immika in muddo ahba wuu xanuunsanayay. Halkanna waxaan dhammaan ciidan waynaha booliska uga tacsiyaynayaa geeridiisa, xaaskii, caruurtii, ehelkii iyo guud ahaanba qaranka Somaliland oo aan leeyahay dhammaanteenba Illaahay Samir iyo iimaan ha innaga siiyo, isagana illaahay janatul fardawsa ha ka waraabiyo”. Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay ku xigeenta taliyaha ciidammada booliska sarreeyo guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo sheegay in marxuumku uu ku dardaarmay in marka uu geeriyoodo ay ciidammada boolisku gacantooda ku aasaan isaga oo taliyaha booliska kula dardaarmay in ay ciidan ahaan aasaan.Taliyaha Ciidammada Bilayska JSL Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo ay weheliyaan ku xigeenkiisa iyo saraakiisha sare eeciidammada Booliska Somaliland ayaa shalay ka qayb galay aas qaran oo loo sameeyey alla ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Sare Aadan Axmed Maxamed (Huun) oo kamid ahaa saraakiisha sare eeciidammada booliska kaasi ooshalay lagu aasay xabaalaha naasa hablood ee magaallada Hargeysa, kadib markii uu muddooyinkii u dembeeyey u jiifay xaallad caafimaad.

vlcsnap-2017-05-05-00h32m43s147

Aaska marxuumka oo ay ananka Bilayska kasokow kasoo qayb galeen hoggaannada kala duwan ee ciidanka booliska, ayaa madashii janaasadda Oo ay warbaahinta kula hadleen kaga sheekeeyey taariikhdii marxuumka iyo shakhsiyadii uu lahaa Marxuum Gaashaanle sare Aadan Axmed Guun. Ugu horeyn Jananka Bilayska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi " Alla ha u naxariistee Marxuum Aadan Guun waxaa uu ahaa sarkaal sare oo ciidanka buliiska ka tirsanaa, xilal kala duwanna kasoo qabtay illaa markii dalka la soo galay illaa maanta”, sidaa ayuu yidhi taliyaha bilaysku, waxaanu intaa ku daray "Waxa uu marxuumku ahaa nin wanaagsan waxaana dawladihii hore ee Burburtay eeSoomaaliya uu kamid ahaa saraakiishii sare ee ciidamada asluubta, intii xorriyada dib loola soo noqday ee Somalilandna waxaa uu kamid ahaa ciidamada booliska oo uu xilal kala duwan oo illaa heer hoggaan ah uu kasoo qabtay, immika in muddo ahba wuu xanuunsanayay. Halkanna waxaan dhammaan ciidan waynaha booliska uga tacsiyaynayaa geeridiisa, xaaskii, caruurtii, ehelkii iyo guud ahaanba qaranka Somaliland oo aan leeyahay dhammaanteenba Illaahay Samir iyo iimaan ha innaga siiyo, isagana illaahay janatul fardawsa ha ka waraabiyo”. Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay ku xigeenta taliyaha ciidammada booliska sarreeyo guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo sheegay in marxuumku uu ku dardaarmay in marka uu geeriyoodo ay ciidammada boolisku gacantooda ku aasaan isaga oo taliyaha booliska kula dardaarmay in ay ciidan ahaan aasaan.