Xisbiga KULMIYE Oo Ka Gaabsday Inuu Faah-faahin Ka Bixiyo Kulan La Sheegay Inuu Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Madaxwayne Farmaajo

0
Friday May 05, 2017 - 19:19:53 in by Burco Office
  • Visits: 488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga KULMIYE Oo Ka Gaabsday Inuu Faah-faahin Ka Bixiyo Kulan La Sheegay Inuu Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Madaxwayne Farmaajo

    Xisbiga KULMIYE Oo Ka Gaabsday Inuu Faah-faahin Ka Bixiyo Kulan La Sheegay Inuu Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Madaxwayne Farmaajo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga KULMIYE Oo Ka Gaabsday Inuu Faah-faahin Ka Bixiyo Kulan La Sheegay Inuu Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Madaxwayne Farmaajo

Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE ayaa ka hadlay kulan qarsoodiga ah oo la sheegay in uu magaalada Addis Ababa ku dhex-maray guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha dalka Soomaaliya Md. Maxamed Cabdillahi Farmaajo.


Guddoomiyaha gollaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel) oo ay warbaahinta wax ka weydiisay wararka sheegaya in uu Magaalada Addis-ababa ee caasimada dalka Itoobiya kulan gaar ahi ku dhex-maray Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muj. Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo ayaa ku gaabsaday inay wararkaasi yihiin warar suuqa la soo galiyay waxaanu yidhi "wararka suuqa annagu kama hadalno ee suuqa ka waraysta taa oo dadka suuqa weydii” ayuu yidhi Guddoomiyaha gollaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel)
Guddoomiye Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel) ayaa sheegay in Murrashaxa xisbiga KULMIYE Muj. Muuse Biixi Cabdi uu safar gaar ah ku joogo dalka Magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaanu yidhi "(safarka Muuse Biixi) waa mid gaar ah oo khaas u ah isagga”
Guddoomiyaha gollaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel) oo mar kale ay warbaahintu weydiisay in uu caddeeyo ujeedada rasmiga ah ee safar Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE ku joogo Magaalada Addis Ababa ee dalka ayaa ku gaabsaday in yahay safar gaar waxaanu yidhi "dee taasi kuma khusayso adiga waa gaar ayaan ku idhi” ayuu ku gaabsaday Md. Jaamac Shabeel
Qaar ka mid shabakadaha warar ee Soomaalida iyo baraha ay bulshadu ku kulanto ayaa lagu faafiyay in uu Magaalada Addis-ababa kulan aan xog badan laga haynin ku dhex-maray guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha dalka aynu jaar nahay ee Soomaaliya Maxamed Cabdillhi Farmaajo.