91 Qof Oo Muddo Bil Gudaheeda Xanuunka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyooday Gobolka Buhoodle

0
Friday May 05, 2017 - 19:22:44 in by Burco Office
  • Visits: 562
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    91 Qof Oo Muddo Bil Gudaheeda Xanuunka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyooday Gobolka Buhoodle

    91 Qof Oo Muddo Bil Gudaheeda Xanuunka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyooday Gobolka Buhoodle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

91 Qof Oo Muddo Bil Gudaheeda Xanuunka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyooday Gobolka Buhoodle

Deegaanadda Widhwidh, Xamar lagu xidhi iyo Qararo ayaa xannuunku hadda ka bilaabmay muddo afar cisho gudaheeda waxaa ugu dhintay laabatan qof” Dr Cabdiraxmaan Cali Muuse

Buhoodle (Somalilandtoday)- Dr Cabdiraxmaan Cali Muuse oo ka mida hawl wadeenada wasaaradda caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland u dirtay magaalada Buuhoodle ayaa shaaca ka qaaday tirada rasmiga ah ee dadka xanuunka shuban biyoodka ugu geeriyooday cisbitaalka guud ee magaalada Buuhoodle Shalay ilaa 11 bishii afaraad ee sanadkan .

Dr. Cabdiraxmaan waxaa uu xusay in deegaano hor leh uu ku fiday xanuunkan shuban biyoodku dadaalana ay ugu jiraan sidii ay deegaanadaasi ugu gurman lahaayeen. waxaana uu sidaa ku sheegay wareysi uu khadka telefoonka ku siiyay wariye Saciid Faarax Cagjar oo ka tirsan wargeyska Dawan.

 

unnamed

Dr. Cabdiraxmaan Cali Muuse isaga oo ugu horeyn ka hadlaya xaaladda fiditaanka xanuunka waxaa uu yidhi " Xanuunka hada waa uu ka yaraaday sidii hore iyo xawligii uu ku socday gudaha magaalada Buhoodle balse waxa uu ka bilaabmay deegaano cusub , kuwaasna waxaan u dirany gurmadka gargaarka degdega ah ee Wasaaradda Caafimaadka "

Dr. Cabdiraxmaan waxa uu shaaca ka qaaday tirada rasmiga ah ee xanuunka shuban biyoodka ugu dhintay cisbitaalka magaalada Buuhoodle shalay ilaa 11 bishii afaraad " Koox ahaan halkan waxa aanu nimid 11 abril ee Sanadkan , intii aanu joognay waxaa Cisbitaalka gudihiisa ku dhintay 14 qof oo ka ugu yar todoba iyo toban cisho jiray , deegaanka gudiihisa waxaa ku dhintay in ka badan konton qof , kiisaska xanuunka la xidhiidha ee cisbitaalka soo gaadhay waa kun boqol iyo shan qof " ayuu yidhi

Cisbitaalka buhoodle ayaa waxaa xanuunka shuban biyoodka u jiifay 163 kiis sida uu xaqiijiyey Dr Cabdiraxmaan "Cisbitaalka waxaa Maanta (Shalay) noo jiifa 163 bukaan oo aanu rajaynayo in ay Caafimaadaan balse deegaanadda Widh-widh, Xamar Lagu-xidhi iyo Qararo ayaa xannuunka hadda ka bilaabmay muddo afar cisho gudaheeda waxaa ugu dhintay laabatan qof intii ay gaadheen halw-wadeenadda Wasaaradda Caafimaadku ma jiro cid ku dhimatay oo intaa ka danbaysay”ayuu yidhi Dr. Cabdiraxmaan

Maalmihii ugu danbeeyey ayaa qaar ka mid ah warbaahinta maxliga ah waxa qorayeen warar la xidhiidha nooca xanuunka iyaga qaar ka mid ah ku sheegay xanuunka Daacun balse waxa arrinta waxba kama jiraan ku tilmaamay Dr Cabdiraxmaan Cali Muuse oo ka mid khuburadda Wasaaradda Caafimaadka ee ku sugan magaalada buhoodle "Sida ay cadaysay Ha’yadda Caafimaadka u qaabilsan dunida ee WHO Xanuunkani waa Shuabn biyood waa been cida ku sheegta Daacun, waxaa sii fidiyey abaarta waayo dadkan waxa ay cabi jireen biyaha xareedda ah calooshoduna lama qabsan biyaha riiga " ayuu yidhi

Dr Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Deegaanadda Widhwidh, Xamar lagu xidhi iyo Qararo ayaa xannuunku hadda ka bilaabmay muddo afar cisho gudaheedana ay ugu dhintay laabatan qof.