Madaxweynaha buka ee Nigeria oo shalay la arkay isagoo salaadii Jimcaha dadka la tukanaya

0
Saturday May 06, 2017 - 11:53:58 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 556
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha buka ee Nigeria oo shalay la arkay isagoo salaadii Jimcaha dadka la tukanaya

    Madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari, ayaa bulshada u soo baxay iyadoo ay taagan yihiin su'aalo la iska waydiinayo sida xaaladiisa caafimaad tahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari, ayaa bulshada u soo baxay iyadoo ay taagan yihiin su'aalo la iska waydiinayo sida xaaladiisa caafimaad tahay.

Sawirro iyo fiidyowyo lagu baahiyey bogga Twitter-ka ayaa muujinayey Buhari oo jooga salaaddii Jimcaha kuna tukaday masaajid ku yaal xarunta madaxtooyada ee caasimadda dalkaas ee Abuja.

Sawirradu waxay muujinayeen madaxweyne Buhari oo dadkii ay salaadda wada tukadeen gacan qaadaya, kaaliyeyaashiisuna waxay sheegeen in uu ku maqnaa nasasho uu galay ka dib markii uu ka soo noqday London oo xanuun aan la sheegin waxa uu yahay lagaga soo daweeyey.

Todobaadkan horraantiisii, madaxweyne Buhari wuxu mar saddexaadkii ka baaqday shirkii golihiisa wasiirada, arrintaasina waxay dhalisay dood bulshadu ka yeesheen xaaladdiisa caafimaad.

Jimcihii ka hor muddo laba todobaad ah laguma arag madaxweynaha maxfallada dawladda iyo xafiiskiisa toona.

Todobaadkii hore ayaa af-hayeenka madaxweynaha, Garba Shehu, wuxu sheega in Buhari "soo taransanayo oo uu caafimaadkiisu ka soo kabanayo xanuunkii laga daweeyey".

Xigasho/BBC Somali