Olalihii Ka Socday Waddanka Faransiiska Oo Istagay.

0
Saturday May 06, 2017 - 12:01:56 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Olalihii Ka Socday Waddanka Faransiiska Oo Istagay.

    Waxaa la soo gebagabeeyay ololihii doorashada madaxtinimada Faransiiska iyadoo maalinta berito ah ay dadku u dareerayaan codbixinta doorashadaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa la soo gebagabeeyay ololihii doorashada madaxtinimada Faransiiska iyadoo maalinta berito ah ay dadku u dareerayaan codbixinta doorashadaasi.

Kooxda ka shaqeynaysay ololaha doorashada madaxtinimada ee musharax Emmanuel Macron ayaa sheegtay in ay dhibane u noqdeen weerrar ballaaran oo dhanka internet-ka kaddib markii dikumintiyo muhiim ah la soo dhigay online-ka.

Waxa ay kooxdu leedahay, dikumintiyo rasmi ah oo la jabsaday ayaa waxaa lagu dhexqasay kuwo been abuur ah si dadka loo wareeriyo.

Ra'yi uruurintii ugu dambaysay ee la sameeyay kaddib dooddii Arabacadii laga sii daayay taleefishinka, ayaa dhammaan muujinaysa in Emmanuel Macron uu aad oga horreeyo hogaamiyaha midigta fog Marine le pen.

Dhanka kale waxaa aad loo adkeeyay ammaanka guud ahaan Faransiiska, ayadoo ay ciidamada dalkaasi ku jiraan feejignaan sare.



Xigasho/BBC Somali