Curada Hogaamiyihii Talada SNM Uga Horeeyey Madaxweyne Siilaanyo Oo Cabasho Ka Muujisay Dulmi Ay Ku Hayaan Wasiirada Awooda Badan

0
Saturday May 06, 2017 - 12:33:32 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 690
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Curada Hogaamiyihii Talada SNM Uga Horeeyey Madaxweyne Siilaanyo Oo Cabasho Ka Muujisay Dulmi Ay Ku Hayaan Wasiirada Awooda Badan

    Hargeysa(AFKA):-Marwo Hibaaq Cabdiqaadir Koosaar Maxamed oo ah curada mujaahidkii hogaaminta SNM uga horeeyey madaxweyne Axmed Siilaanyo ee Cabdiqaadir Koosaar Maxamed ayaa cabasho balaadhan ka muujisay dulmi ay sheegtay in la samaynayo iyada oo maga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA):-Marwo Hibaaq Cabdiqaadir Koosaar Maxamed oo ah curada mujaahidkii hogaaminta SNM uga horeeyey madaxweyne Axmed Siilaanyo ee Cabdiqaadir Koosaar Maxamed ayaa cabasho balaadhan ka muujisay dulmi ay sheegtay in la samaynayo iyada oo magaca madaxweynaha la adeegsanayo.

Marwo Hibaaq oo ka mid ahayd dad shacabka ah oo cabasho ka muujiyey qorshe la doonayo in ganacsade Ina Xarbi loogu xidho waddada dhinaca hawd ka martka saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa isla markaana tagta masaajidka Rusheeye ayaa sheegtay inaanay marna aqbalayn dulmi lagula kaco waxaanay tidhi "Magacaygu waa Hibaaq Cabdiqaadir Koosaar, Xaafaddan waxaan ku leeyahay reerkan Hindida ah ee hadalka iiga horreeyey gurigooda guriga ka

dembeeya, Ina Faarax Xarbina Anigu Cagahayga Ayaan Ugu tegey waxaan ku idhi inaadeer labadaas waddo ee Hawd ka imanaya haddii laguu xidhay, tan saldhiga dhexe idiin dhaxaysa hanaga xidhin, waxa uu igu yidhi gabadh yahay wax aan waddo kuu hayaa ma jirto, xilliga aan u tegey waxay ahayd bishii February bilowgeedii, intaasna waxaan isku halaynayay in amniga awgeed aanu isagu u dhawaanayn saldhiga dhexe siddeeda mitir ee u dhaxaysay, hase yeeshee immika waxa ay soo gaadhay in uu keenay fayl uu Madaxweynuhu ku saxeexan yahay oo saldhiga dhexe laba mitir oo keliya loo banaynayo, markaas waxaan haddana isku dayay inaan hawlaha guud bal la xidhiidho, waayo waxaa uu aniga igu yidhi ganacsaduhu dawladda dhexe ayaa iga iibisay”. Sidaas ayay tidhi

 

MArwo Hibaaq Muj. Cabdiqaadir Koosaar oo waxaanay intaas raacisay "Markaa haddii ay dhacday in boostii Salaan Jirde ay Ilma Salaan Jirde ka xishoodaan inay ku qabsadaan, maadaama oo aabahood dan guud u bixiyey oo ninkaas Ina Faarax XArbi uu dawladdii ka iibsaday, waxaa Nasiib darro ah in wadadii u dhaxaysay saldhiga dhexe iyo boosta uu ku darsado, oo meel immika xaafadayadaas meydka loo mariyaa haba yaraatee aanay jirin, haddii uu guri naga gubtana meel uu dab damiskii noo soo maraa aanay jirin.” "Waxaa kale oo aan ku darayaa in MAdaxweynaha Cabir loo geeyey oo la hor dhigay laakiin isagu ma oga in [ganacsadaha] waddo loogu daray, markaa waxaan doonayaa in aan la hadlo wasiirrada ay Maxamuud Xaashi iyo Cali Marreexaan ee Waddadan u xidhay ganacsadaha ee madaxweynaha hor dhigay cabirka boostada ee haddana loogu daray wadadii u dhaxaysay saldhiga,waxaan leeyahay Madaxweynaha ha ka xumaynina magaca, waayo ragna waxay bixiyeen in saldhigii dhexe iyo boostii ay dan guud noqdaana, qaarna…..maaha in berri ay madaxweynaha taariikhda u gasho oo la yidhaahdo madaxweynaha ayaa inaadeerkii u xidhay [wadada] oo saldhigiina amnigiisii khalkhal geliyey, dadkii xaafadda degenaana wadadii ka xidhay, arrintaasina Ceeb weyn weeyey”

Marwo Hibaaq Cabdiqaadir Koosaar oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay inaanay marna ogolaan doonin in lagu dulmiyo magaca madaxweyne Siilaanyo waxaanay tidhi "Aniga Madaxweyne Siilaanyo Adeer buu ii yahay oo Aabahay buu la soo halgamay, waxaa ay ahaayeen nimankii ka damqaday ee duurka u wada galay dulmigay ay dadkaas masaakiinta ahi ku noolaayeen xilligii Siyaad Barre, dulmigii shalay oo kale in maanta isaga magaciisii nalagu dulmiyo waa nasiib darro, Maxamuud Xaashi [Wasiirka Madaxtooyada] iyo Cali Marreexaanna [Wasiirka Hawlaha guud] waxaan leeyahay Magaca ha ka xumaynina”. Sidaasi ayay tidhi MArwi Hibaaq Muj. Cabdiqaadir Koosaar oo ah Curadii uu dhalay alla ha u naxariistee Muj. Cabdiqaadir Koosaar Maxamed, Guddoomiyihii xilka hoggaamineed ee Jabhaddii xaq u dirirka ahayd ee SNM uga horreeyey Madaxweyne Siilaanyo xilligii uu halganku socday.

Marwo Hibaaq oo kamid ah haweenka aqoonyahanka ah ee reer Somaliland ee guryaha ku leh xaafadda ka dembeysa saldhiga dhexe ee magaallada hargeysa waxaa kale oo ay farriin u dirtay shacbiga degen xaafaddaasi oo ay ugu baaqday in ay nabadgelyadooda ilaashadaan isla markaana ay hab salmi ah cabashadooda u gudbiyaan.