Xabad Joojin Lixbilood Socondoonta Oo Lagaga Dhawaaqay Dagaalka Suuriya.

0
Sunday May 07, 2017 - 09:16:40 in by Burco Office
  • Visits: 667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xabad Joojin Lixbilood Socondoonta Oo Lagaga Dhawaaqay Dagaalka Suuriya.

    Xabad Joojin Lixbilood Socondoonta Oo Lagaga Dhawaaqay Dagaalka Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xabad Joojin Lixbilood Socondoonta Oo Lagaga Dhawaaqay Dagaalka Suuriya.

Wararka ka imanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in heshiis xabad joojin oo ay dawlada Ruushka ka soo shaqeeyey ay gaadhendawladda Suuriyaiyo kooxo ka mid ah mucaaradka dalkaas.


Heshiiskann ayaa goobo nabadgelyo ah loogu astaynaaa dadka rayidka ee ku sugan goobaha dagaaladu ka socdaan ee dalka Suuriya iyadoo heshiiskani uu ka mid yahay isku dayada la doonayo in lagu joojiyo dagaalka lix jirsaday ee ka socda dalkaas.

Hase yeeshee, isla saacadihii ugu horeeyey ee heshiiskaasi dhaqan galay ayaa wararku sheegayaan in duqayn iyo tacshiirad la is weydaarsanayo laga maqlay dhinaca woqooyi galbeed ee falaagadu gacanta ku hayaan.

Heshiiskan oo ay Khamiistii wada saxeexeen Ruushka, Turkiga iyo Iran ayaa ciidamada dawladda iyo kuwa mucaaradka ba farayay in ay xabbad joojin lix bilood ah ka dhaqan geliyaan afar meelood oo kala ah: Woqooyiga Idlib, badhtamaha Xumus, daafaha Dimishiq iyo koonfurta Suuriya.

Erayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya, Staffan de Mistur ayaa sheegay in heshiiskani yahay mid muhiim ah sababta oo ah waxa dhaqan galkiisa iska kaashanaya saddex dal waxaana suurto gal ah inuu culayska shacabka saaran yareeyo inta ay socdaan dadaallada siyaasadeed ee xalka lagu raadinayaa.