Man City Vs Chelsea: Masraxa Etihad Kooxdii Timaado Waa Lagu Cakisaa Mourinho Ma Ka Baxsan Doonaa?

0
Monday February 03, 2014 - 09:39:39 in by Super Admin
  • Visits: 1341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man City Vs Chelsea: Masraxa Etihad Kooxdii Timaado Waa Lagu Cakisaa Mourinho Ma Ka Baxsan Doonaa?

    Naadiga horyaalka England ugu weerarka wanaagsan waxay caawo garoonkeeda Etihad ku marti galin doontaa kooxda haatan kaalinta 3-aad taaga ee Chelsea inkastoo kulankan adag aan la sadaalin karin natiijada kao bixi doonto hadana macalin Jose Mourinho a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afka Shacabka
Naadiga horyaalka England ugu weerarka wanaagsan waxay caawo garoonkeeda Etihad ku marti galin doontaa kooxda haatan kaalinta 3-aad taaga ee Chelsea inkastoo kulankan adag aan la sadaalin karin natiijada kao bixi doonto hadana macalin Jose Mourinho ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa guul u noqon doonto hadii ay Etihad dhibic kala soo caraabaan,
labadan koox bilawgii xili cayaareedkan ayay fooda isdareeen waxana habeenkaas 2-1 guusha ku qaadatay Chelsea waana habeenkii Joe Hart uu galay qaladkiisii ugu weynaa sidaa darteed macali Manuel Pelligrini ayaa rabin in kooxdiisa markale si sahlan sedex dhibcood oo qaali ah looga qaato.

koox jecel ma jirto inay safarto garoonka Etihad waayo Man City dhamaan kulamadii ay Premiership-ka ku cayaartay garoonkan way wada guuleesatay sidoo kalena naadigii ay ka dareento habacsaan nus darsin goolal ah ugama yareeso arinkaas awgeed Mourinho ka filo inuu caawo feejignaan badan muujiyo sidoo kalena uu daaficiisa iyo khadka dhexe iska xoojiyo, 

Man City waxay guuleesatay 8-kulan oo xariir ah taasi ayaana sababtay inay safka hore kusoo laabato halka Chelsea aan iyadana 8-kulan laga badin balse caawo midkood in dhagta dhiiga loo dari doono ayay u badan tahay.

Aqbaar ku saabsan xidigaha labadan naadi:

Man City kulankan xidigo muhiim ah ayaa ka maqnaan doonaan haba ugu horeey Sergio Aguero sidoo kale Samir Nasri, Javi Garcia iyo James Milner iyagana masii fariisan doonaan kursga kaydka madaama ay dhaawacyo kala duwan qabaan.

dhanka Blues macalin Jose Mourinho dhibaato badan ma qabo kaliya kulankan waxaa dhaawac uga maqnaan doono Fernando Torres waxaana lagu wadaa inuu booskiisa buuxiyo Samuel Eto’o inkastoo Demba Ba isagana uu loolan ugy jiro in kulankan adag lagu soo bilaabo.

Dhacdo la xariirto kulankan xiisaha badan:

Man City 11-kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku cayaartay garoonkeeda Etihad way wada guuleesatay Premiership-ka.
Sidoo kale Man City 5-kulan ee ugu dambeesay oo ay garoonka Blues ku qaabishay iyada ayaa guuleesatay dhamaan tartamada kala duwan.
Man City ugu yaraan 12-kulan ee ugu dambeesay 2-gool ayay garoonkeeda Etihad ku dhalineesay sidaa darteed caawo gool la’aan ma bixi doonto sida ay u badan tahay.
Chelsea guud ahaan 7-kulan ee ugu dambeesay oo ay Premiership-ka cayaartay 5-ka mid ah gool lagama dhalinin.
Sidoo kale Blues 8-kulan ee ugu dambeesay Premiership-ka dhinaceeda dhulka lama dhigin.
Chelsea ugu yaraan 6-kulan ee ugu dambeesay 5-ka mid ah min labo gool ayay dhalineesay markay ugu yareed Premiership-ka England ayadoo ku cayaareeso meel ka baxsan garoonkeeda.
Man City xili cayaareedkan garoonkeeda waxay ku dhalisay 42-gool Premiership-ka England.