WAR DEG DEG AH: Qaraxii Ugu weynaa oo Ismiidaamin ah oo haatan laga maqlay Magaaladda Muqdisho

0
Monday May 08, 2017 - 17:52:40 in by Burco Office
  • Visits: 563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR DEG DEG AH: Qaraxii Ugu weynaa oo Ismiidaamin ah oo haatan laga maqlay Magaaladda Muqdisho

    WAR DEG DEG AH: Qaraxii Ugu weynaa oo Ismiidaamin ah oo haatan laga maqlay Magaaladda Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAR DEG DEG AH: Qaraxii Ugu weynaa oo Ismiidaamin ah oo haatan laga maqlay Magaaladda Muqdisho

War deg deg ah ah oo haatan kusoo dhacaya Warqabadkeena Muqdisho ayaa sheegaya in qarax aad u culus uu ka dhacay magaaladda.

Jugta qaraxa ayaa si weyn looga maqlayaamagaaladda Muqdisho, waxaana uu ka dhacay wadada Maka almukarama gaar ahaan meel ku dhow dhismaha Shaqaalaha.

Warka ayaa sheegaya in qaraxan lala beegsaday Carwada Alkowthar oo ku dhegan xafiiska Laanta Socdaalka iyo jinsiyadaha iyo Hoteel Raas, waana halka ugu mashquulka badan xiliyadan oo kale.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxaan loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, jugta qaraxaan ayaana aad looga gudaha magaaladda.

Lama oga ilaa haatan qasaaraha ka dhashay qaraxan oo ah kii ugu xooganaa ee waayahan laga maqlay magaaladda Muqdisho.

La soco Faah Faahin