Xukuumada Somaliland Oo Guddida Doorashooyinka Ku Wareejisay Lacagtii Ka Dhinayd Kharashka Doorashada Iyo Wasiirka Maaliyada Oo Faah Faahisay.

0
Monday May 08, 2017 - 18:00:09 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Guddida Doorashooyinka Ku Wareejisay Lacagtii Ka Dhinayd Kharashka Doorashada Iyo Wasiirka Maaliyada Oo Faah Faahisay.

    Hargeysa(AFKA):-Xukuumada Somaliland ayaa guddida doorashooyinka qaranka ku wareejisay baaqiga lacagtii kaga soo hagaagtay kharashka qabsoomida doorashada madaxtooyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA):-Xukuumada Somaliland ayaa guddida doorashooyinka qaranka ku wareejisay baaqiga lacagtii kaga soo hagaagtay kharashka qabsoomida doorashada madaxtooyada.

Wasiirka maaliyada somaliland marwo SamSam Cabdi Aadan oo ka hadashay kulankan ayaa ka warantay xadiga lacagta ay ku wareejinayaan guddida doorashada waxaanay tidhi "Maanta waxa halkan iskugu yimid wasiirka madaxtooyada, xisaabiyaha guud, agaasimaha guud ee baanka iyo guddida doorashooyinka qaranka, waxaanan halkan ku bixinaynaa lacagtiiKulan balaadhan oo lagu qabtay xarunta wasaarada maaliyada soomaaliland oo ay ka soo qayb galeen wasiirka maaliyada, wasiirka madaxtooyada, xisaabiyaha guud ee qaranka, agaasimaha guud ee baanka iyo guddida doorashooyinka qaranka ayey xukuumada somaliland ku wareejisay lacagtii ka hadhsanayd kharashada doorashada.


kaashka ahayd ee doorashada taas oo dhan $1,200,000( Hal Milyan Iyo Laba Boqol oo kun Oo Doolar) oo aanu hadalna ka iman, waxaana halkan jooga Baanka oo xaqiijinaya in lacagta Acount-ka loogu shubo guddida doorashada iyo xisaabiyaha guud oo soo diyaariyey lacagtii.”

 

Wasiirka madaxtooyada somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna ka hadlay kulan lagu wareejinayey lacagta doorashada ayaa waxa u mahad celiyey wasiirka maaliyada waxaanu yidhi "Munaasibadan aynu iskugu nimid ee wasiirka maaliyadu ku wareejinayso guddida doorashada lacagtii ka dhinaatay kharasha doorashada, wasiirka maaliyada waanu ku bogaadinaynaa hawsha fiican ee ay qabatay iyada oo fulinaysa amarkii madaxtooyada.”

Wasiir Maxamuud Xaashi oo sii wata hadalkiisa ayaa intaas raaciyey "Farsamo ahaan doorashada waxa masuul ka ah guddida doorashooyinka, madaxweynaha qarankuna waxa uu leeyahay masuuliyada guud, waana masuulkii qaranka oo dhan, dad badan ayey xan,dacaayad iyo warbaahin laga hadlo kaga soo ururtay raganimada gabigeeduba, way sahlan tahay in qof la dhaliilo qofna la caayo, waxbana kuma fadhido oo koob biyo ah oo la qudh qudhiyey way ka sahlan tahay laakiin waxay u baahan tahay in hadalka loo miidaan dayo cadaalada uu salka ku hayo iyo xaqiiqada uu ku fadhiyo.”

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa fariin u diray siyaasiyinta iyo taageerayashoodadab waxaanu yidhi "Xisbiyada mucaaridka ah iyo taageerayaasha xisbiyada dhamaantood waxaanu u cadaynaynaa in dalkan doorasho ka dhici doonto wakhtigii loogu tala galay haddii alle idmo, waxaanu u cadaynaynaa inaanay lacag la,aan u baaqanayn doorashada somaliland, kuwa ka war warsan eel eh kolba mudo ayaa la kordhinayaa waxaanu leenahay bishu hortiina ayey iman doontaa ee caloosha u sii daaya, raga siyaasada qoolaalinaya waxaanu leenahay miciin haka dhiganina in kolba wax kordhayaane iyo shaki iyo mala awaal ee si nadiif ah u tartama.”

Gudoomiyaha guddida doorashooyinka Soomaaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo isaguna ka hadlay kulankan ayaa xukuumada uga mahad celiyey sida ay u garab taagan tahay doorashooyinka waxaanu yidhi "Waanu uga mahad celinaynaa wasaarada maaliyada iyo xukuumadaba qaabkan doorashadeenu u socoto oo runtii ah mid hawl badan, waxa kale oo aan u mahad naqaynaa qaabkii dawladu uga qayb qaadatay is diwaan gelintii oo ahaa mashruuc aad u weyn oo aynu ku soo guulaysanay.”

 

 

Ayaanle Hassan Saleeban

Afkashacabka.com/Office

Burco/Somaliland

Email:Ayaanlepm3@gmail.com

Facebook:- Ayaanle Hassan Bii'em