Gobolka Minnesota Ee Dalka Maraykanak Oo Laga Mamnuucay Gudniinka Haweenka.
Sharci lagu adkeynayo inay dambi tahay in gabdhaha la gudo ayaa shalay laga ansixiyey golaha sharci dajinta gobolka ee Minnesota.
Sharciga mamnuucaya gudniinka oo ah sharci hore uga jiray gobalka Minnesota ilaa iyo 1994 tii ayaa waxyaabaha lagu soo kordhiyay waxaa ka mid ah in waalidkii lagu helo isagoo og inuu gudo gabdhiisa laga qaadan karo ilmahiisa.
Soomaalida Minnesota ayaa isla dhexmaraysa in gabdho muslimiina lagu soo gudo fircooni iyadoo loo safriyo gobolka Michigan taas ayaa keentay in shalay golaha sharci dajinta ay ka doodaan sharcigaan siina adkeenaya kii hore u mamnuucaayay gudniinka.