Shirkii London Ee Arimaha Soomaalida Oo Haatan Furmay Iyo Khudbadii Madaxweyne Farmaajo Ka Jeediyey

0
Thursday May 11, 2017 - 15:27:01 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 728
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii London Ee Arimaha Soomaalida Oo Haatan Furmay Iyo Khudbadii Madaxweyne Farmaajo Ka Jeediyey

    Magaalada London ee wadanka Ingiriiska waxa ka furmay shirka lagaga hadlayo arimaha soomaaliya kaas oo ay marti gelisay dawlada Britain.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada London ee wadanka Ingiriiska waxa ka furmay shirka lagaga hadlayo arimaha soomaaliya kaas oo ay marti gelisay dawlada Britain.

Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo si rasmiya u furay shirkan ayaa ka waramay qodobada muu muhiimada gaarka ah siiyey markii uu qabtay talada dawlada somaliya, waxaanu tilmaamay inay dawladiisu ka hawl gashay sidii wax looga qaban lahaa xaalada abaarta ee ka jirta dalkaShirkan ayaa waxa ka qayb galaya qaar ka mid ah hogaamiyayaasha caalamka ayey ujeedadiisu tahay in lagaga wada hadlo gargaarka la gaadhsiinayo dadka soomaalida ah ee ay abaaruhu saameeyeen iyo xaalada amaan ee dalkaasi.


iyo in laga hor tago inay dhacdo macaluushii dhacday sanadkii 2011-kii.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in abaaraha ka jira soomaaliya ay barakiciyeen dad tiradoodu ku dhaw dahay 600,000(Lix Boqol Oo Kun)oo qof laga soo bilaabo bishii November ee sanadkii 2016-kii, waxaanu caalamka ugu baaqay in laga hor tago sidii aanay dalkiisa uga dhici lahayn xaalad bina aadaminimo iyo sidii looga soo kaban lahaa abaartii daba dheeraatay.

Ugu dambeyn madaxweyne Farmaajo ayaa u mahad celiyey hogaamiyayaasha caalamka iyo qurba joogta soomaaliyeed oo uu sheegay inay ka jawaabeen baaqiisii ahaa in gargaar deg deg ah la gaadhsiiyo dadka abaaruhu saameeyeen.

Hoggaamiyeyaasha caalamka ee ka qaybgalaya ayaa la filayaa iyaguna inay jeediyaan khudbado la xidhiidha xaalada dalka Soomaaliya.

Ujeedada ugu weyn ee shirkan loo qabtay ayaa lagu sheegayaa inay tahay sidii loogu heshiin lahaa qorshe lagu tababarayo ciidamo soomaaliyeed oo badala kuwa midawga Afrika ee haatan ka hawl gala dalkaasi.