War-murtiyeed Lagaga Soo Saaray Shirkii Madaxda Soomaaliya Loogu Qabtay London

0
Friday May 12, 2017 - 13:55:53 in by Burco Office
  • Visits: 594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War-murtiyeed Lagaga Soo Saaray Shirkii Madaxda Soomaaliya Loogu Qabtay London

    War-murtiyeed Lagaga Soo Saaray Shirkii Madaxda Soomaaliya Loogu Qabtay London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War-murtiyeed Lagaga Soo Saaray Shirkii Madaxda Soomaaliya Loogu Qabtay London

-Shirkii arrimaha Soomaaliya oo maanta ka dhacay aqalka Lancaster House ee magaaladda London, ooay si wadajir ah shir gudoominayeen dowladda UK, madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo xoghayaha guud ee qaramada midoobey ee Antonio Guteres ayaa waxaa laga soo saaray War=murtiyeed


shirkan oo in ka badan 42 dowladood iyo ururo caalami ah oo daneynaya arrimaha Soomaaliya ay ka qaybgaleen ayaa madaxdii ka qeybgashay ay isku raaceen is Soomaaliya uu ka jiro isbedel dhanka horumarka ah.

 

warmurtiyeedka laga soo saaray ayaa koobayay arrimaha bani’aadanimada, xoojinta amniga dalka,xasilooni siyaasadeed oo loo dhan yahay,dardargelinta dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka iyo qorshaha cusub ee taageeradda dowladda federaalka Soomaaliya.

Akhriso Qodobadii ugu muhiimsanaa ee War-murtiyeedka Oo La soo Koobay.

  • (Humanitarian) Arrimaha bani’aadanimada;

Ilaa shan qodob ayuu ka koobnaa waxaana ugu muhiimsanaa in walaac laga muujiyay xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya xilliga ka jirta, waxaana loogu deeqay $600 boqol oo milyen oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen,lana aqoonsaday dadaalada gudiga gurmadka iyo dadka kale ee is xilqaamay.

Dowladda ayaa lagu bogaadiyay sida ay ahmiyad weyn u siisay gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen iyadoo sameysay wasaarad qaabilsan arimaha gargaarka.

Waxaana la isla gartay in la sameeyo qorshe lagu caawinayo dadka abaartu halakeysey si dhaqaale abuur loogu sameeyo, isla markaana looga fogaado in markale dhibaatada oo kale la kulmaan.

  • (Strengthening national security) xoojinta amniga qaranka;

Iyadoo uu qodobkan Waxyaabaha ugu muhiimsan ay kamid aheyd in taageeray codsigii dowladda Soomaaliya ee ahaa in laga qaado xayiraadda hubka ee saran Soomaaliya si hub iyo saanad military ay soo iibsankarto isla markaana ay u suurtagasho in ay xasiliso amniga wadanka.

Waxaa sidoo kale la isku raacay qorshaha amniga qaranka ee dowladda Sooomalaiya iyo maamul goboleedyada ay ku heshiiyeen 16 bishii tagtay.

Marka laga hadlayo amniga ayaa waxaa la taageeray horumarainta hanaanka maamul maamliyadeed ee dalka lagu lafaguri doono shir daba socoda kan maanta la qaban doono bisha October ee sanadkan.

  • (More Inclusive Stable Politics) xasilooni siyaasadeed oo loo dhan yahay

Qodobkan ayaa waxaa lagu xusey in ahmiyadda ay leedahay hanaanka dibu eegista dastuurka oo keeni kara horumarinta amniga iyo xasiloonida siyaasadda dalka.

Xoojinta wada shaqeynta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa la taageeray si doorasho qof iyo cod ah dalka ya ka dhacdo marka la gaaro sanadka 2021.

Waxaa kale oo la go’aamiyay ahmiyadda ah leedahay in la soo wado wadahadaladii u dhxeeyay dowladda iyo maamulka Somaliland, iyadoo la soo dhaweeyay hamiga dowladu u heyso arintaas. Waxaan rajeynaynaa in doorashada madaxtinimada ee Somaliland oo dhici doono November 2017 ay keeni doonto fursad lagu dar dargelinyo wadahadalka ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.

Waxaa kale oo la soo dhaweeyay doorta qurbe joogta ee horumarka dalka ay ku leeyihiin.

4- (Accelerating Somalia’s Economic Recovery ) dardargelinta dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka

Dhaqaale xoogan in la horumariyo waxaa ay keeneysaa in nolshada dadka Soomaaliyeed kor loo qaado lana sameeyo shaqo abuur. Xoojinta dkhliga gudaha ayaa aas aasu ah in la yareeyo u nuglaansha baaraha in la adkeeyo xasiloonida ayaa qeybka ah horumarinta iyo u adkeysiga xaaladaha adag una baahan in la sameeyo qorshe horumarineed oo joogto ah.

Shirkadaha xawaaladaha Soomaalida ayaa ah kuwo muhiim u ah nolshada dalka Soomaaliyeed isla markaana waxaa ay qeyb weyn ka qaataan kabaca dhaqaalaha dalka, waxaana loo baahan yahay in la xaqiijiyo bankigayada ay xiriirka ganacsi la leeyihiin, isla markaana la dejiyo shuruucdii lagu hagi lahaa.

Waxaa la soo dhaweeyay qorshaha dowladda cusub oo ah la dagaalanka musuq,iyadoo madaxda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada lagu adkeeyay in ay xoojiyaan arintan isla markaana talaabo adag laga qaado dadka lagu helo musuq iyo wax isdabo marinta.

  • (New Partnership for Somalia/Qorshaha cusub ee Taageerada Somaliya)

Qodobka u dambeeya warmurtiyeedka ayaa waxaa uu ahaa qorshaha cusub ee taageerada Soomaaliya iyadoo la garowsday in qorshaha horumarinta qaranka uu yahay kan lagu wada shaqeyn doono, gaar ahaan amniga, dhismaha hey’adaha dowliga ah, xuquuqul insaanka, ku dhaqanka sharciga, maamul wanaaga, la dagaalanka musuq