Madaxweynaha dalka Ugandha Oo Hadal Xanaf Leh Ku Ganay Farmaajo, Xilli Khudbad Ka Jeediyay Shirka London.

0
Friday May 12, 2017 - 14:12:26 in by Burco Office
  • Visits: 566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha dalka Ugandha Oo Hadal Xanaf Leh Ku Ganay Farmaajo, Xilli Khudbad Ka Jeediyay Shirka London.

    Madaxweynaha dalka Ugandha Oo Hadal Xanaf Leh Ku Ganay Farmaajo, Xilli Khudbad Ka Jeediyay Shirka London.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Ugandha Oo Hadal Xanaf Leh Ku Ganay Farmaajo, Xilli Khudbad Ka Jeediyay Shirka London.


 

Madaxweynaha dalka Ugandha Yoweri Museveni, ayaa ka hadlay Siyaasada cusub oo ay hiigsaneyso dowladda Soomaaliya ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Museveni
Yoweri Museveni, ayaa sheegay in dowlada Ugandha ay dooneyso Somalia oo mid ah, isla markaana la jaanqaadeyso dowladaha kale ee hormarsan.

Yoweri Museveni, waxa uu sheegay in dowlada Ugandha aysan la dhacsaneyn in Somalia laga saaro ciidamada Midowga Africa ee AMISOM, waxa uuna taa bedelkeeda sheegay in dowlada cusub ay u muuqaneyso mid xaqireyso guulaha ay ciidamada AMISOM gaarsiisay Somalia.

Waxa uu tilmaamay in Ugandha aysan raali ka aheyn in ciidamadeeda ay sii joogan Somalia, balse ay danta ku qasbayso inay fiiriyaan xaaladaha adag ee ka jira Somalia, maadaama ciidamadooda ay Somalia ku sugnaayen xili intaa kasii dhib badan.

"Dawlada Ugandha waxa ay doonaysaa wanaaga iyo horu socodka Somalia, waxaa inoo muuqaneysa in Madxaweynaha Somalia uu culays u arko in ciidamada Midowga africa ee AMISOM ay sii joogan Somalia waa arrin u baahan inuu ka fiirsado ka hor inta aan la dhaqan galin dadaalada uu ugu jiro saarida ciidamadeena”

Waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM ay qeyb ka yihiin ilaalada Madaxweynaha Somalia, wuxuuna nasiib darro ku sheegay in caalamka uu ka dalbado in garab lagu siiyo dadaalka uu ciidamada AMISOM uga saarayo Somalia.

"Waxaa inoo muuqda in degdeg ay ku jirto dawlada Somalia, haddii ay dhacdo in ciidamada Midowga africa laga saaro Somalia Madaxweynuhu kuma aanu fekerin in ciidamadiisa ay yihiin kuwo aan u diyaarsanayn la dagaalanka Al-shabaab, waxaan Somalia u joognaa garab istaaga dawlada”

Madxaweynaha Somalia ayuu ku eedeeyay inaanu fursad siin ciidamada AMISOM, balse markii uu la wareegay talada dalka uu ku caga jugleeyay inuu saarayo ciidamada AMISOM.

Yoweri Museveni, waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somalia uusan la imaan Siyaasad fog, waxa uuna carab dhabay in degdegta muuqata ay carqalad amni u horseedi karto Somalia oo iminka ku jirta xaalad aan caga wanaagsan ku taagneyn.

Yoweri Museveni, waxa uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ugu baaqay inuu la imaado Siyaasad ka fog tan uu imika isticmaalayo.”Madaxweyne La Kaalay Siyaasad Hufan”