Ururka Wadajir Oo Ku Bahoobeen Beeyalayda Gobolka Togdheer Ayaa Xaflad Ku Qabsaday Gobolka Togdheer

0
Saturday February 22, 2014 - 19:30:53 in by London Office
  • Visits: 1194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Wadajir Oo Ku Bahoobeen Beeyalayda Gobolka Togdheer Ayaa Xaflad Ku Qabsaday Gobolka Togdheer

    Ururka Beeyada ee WADAJIR GUN TRADERS

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Beeyada ee WADAJIR GUN TRADERS
Ururka Beeyada ee WADAJIR GUN TRADERS oo ah urur ay ku bahoobeen Dadka Beeyada ka Ganacsada iyo ku wa daneeya ama aqoonta u leh ayaa Xaflad uu ku qabtay Hotel Deero ee Magaalada Burco,waxaa ku soo dhaweeyay koox Cusub oo ganacsata ah oo ururka mid noqonaysa Uururkaas.

Xafladan oo oo lagaga hadlay Doorka Ganacsi iyo muhiimada ay leedahay Beeyadu ayaa waxa ugu horayn ka hadlay
Badhasaab xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Maxmud Yuusuf (Ubaxle) waxaana hadaladiisii ka mid ahaa " waxaan arkaa in dadka Garaadkiisu meel Fiican Marayo oo koray waayo waa wax wanaagsan in wax lawada yeesho,waxyaabaha qabyaalada lagula dagaalami akaraana waa waxwada.lahaanshaha,beeyaduna iyo dhireedu waa khayaraad dalku leeyahay ee waa in intiina ka ganacsata iyo inta lehiba aya ilaalisaa oo la xanaaneeyaa lana weeleeyaa,reer Burco waaan garanayaaa labadii oday ee ugu horeeyay ee wax wada yeesha maantana meel wacan bay maraysaa"".

Gudoomiyaha Ururka WADAJIR ee Beeyada Aamina Faarax Caarshe ayaa iyana waxay sheegtay in Ururkoodu uu wax badan ka taray horumarinta doofinta suuq gaynta iyo ilaalinta dhirta,waxaanay Bulshada Somalilan u sheegatay ina uu ururkani u furanyahay cidii kusoo Biiraysa hadii ay sheer tahay iyo hadii ay Xubunimo tahayba.

Oday Saleebaan Bidaar ayaa isna ku dheeraaday wax tarka ay Beeyadu leedahay waxaanu sheeegay i nay dawo ka tahay Cuduro Badan oo ay inta badan ka cabato somalidu balse aanay aqoon fiican u lahayn somalidu taasi uu kula dar daarmahy inay ka faaidaystaan, waxaana uu aad u amaanay doorka ay ganacsiga beeyadu ku leedahay Dalka.

Hamoogaan Afkashacabka Media 
Burco/Somaliland/Office