Dawlada Canada Oo Waaran Qabasho Ah U Jartay Taliyaha Cusub Ee Bilayska Somaliya

0
Sunday July 13, 2014 - 14:47:24 in by Hargeysa Office
  • Visits: 878
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Canada Oo Waaran Qabasho Ah U Jartay Taliyaha Cusub Ee Bilayska Somaliya

    Taliyaha oo lagu Magacabo Gen.Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil kaasoo xilkaasi loo magaacaby todobaadkii ina dhaafay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha oo lagu Magacabo Gen.Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil kaasoo xilkaasi loo magaacaby todobaadkii ina dhaafay

Dawaladda Canada ayaa waaran qabasho ah u jartay taliyaha cusub ee booliska somaliya Jen.Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil kaasoo xilkaasi loo magaacaby todobaadkii ina dhaafay.

Ninkan oo Canada looga yaqaan maxamaed xasan faarax  kana ka soo baxsaday markii dad soomaali ahi ku eedeeyeen inuu tacadiyo iyo falal arxandarro ah kula kacay wakhtigii taliskii Siyaad Barre waxaanay sheegtay dawaladu inuu ninkaasi yahay dambiile isla markaana ay tahay in loo soo gacan galiyo dawlada canada .


 

Taliyaha cusub ee Somaliya ee booliiska somaliya ayaa waxa dacweeyay qoysas uu xilligii kacaanka si xun ugalay kana dacweeyeen dawladda canada waxaana lagu haystaa inu ku xad gudbay xuquuqda aadamaha, amrayna in la dilo dad rayid ah.

Qoysaskan ayaa caddamyo badan hor dhigay maxakamadda, sidoo kale ninkan ayaa lagu haystaa inuu iibiin jiray dadki loo yaqaaanaya kacaankii didka ee xabsiyada ku xidhnaa .

generaalka ayaa ahaan jiray madaxa dambi baadhista waxana ka mid ah damiyada loo haysto kufsi dhac iyo dilal.





Contact@afkashacabka.com