"Ciyaaraha ugu wanaagsan waxaanu u xulnaa garsoorayaasha ugu fiican"madaxa garsoorayaasha FIFA

0
Sunday July 13, 2014 - 16:43:38 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ciyaaraha ugu wanaagsan waxaanu u xulnaa garsoorayaasha ugu fiican"madaxa garsoorayaasha FIFA

    Garsooraha Ciyaarta Finalka K-Aduunka Oo La Magacaabay Iyo Cabashooyinka La xidhiidha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garsooraha Ciyaarta Finalka K-Aduunka Oo La Magacaabay Iyo Cabashooyinka La xidhiidha

Garsooraha Talyaaniga ah ee Nicola Rizzoli ayaa la go’aamiyay inuu noqon doono siidhiwadaha dhex-dhexaadin doona kulanka dhamaadka koobka aduunka sanadkan ee dhex maraysa xulalka Argentina iyo Germany.

 


Rizzoli oo bilowgii tartanka uu tababaraha xulka Belgium ku eedeeyey inuu taageero weyn u yahay xulka Arentina, ayaa soo garsooray kulankii Netherlands 5-1 ka ku xasuuqeen Spain ee furitaanka Group B, ayaa sidoo kale soo dhex dhexaadiyay laba ciyaarood oo xulka koonfurta Maraykanku yeesheen intii tartankani socday , kuwaas oo kala ahaa , ciyaartii 3-2 ka ay kaga adkaadeen Nigeria iyo kulankii Semi finalka ee ay Belgium ku soo jiidheen 1-0 ka.


Siidhi-wadahan reer Talyaani ayaa saddexdaas ciyaarood ee koobka aduunka uu soo dhex-dhexaadiyey bixiyey sagaal kaadh oo digniin ah (huruud ah) , isla markaana kaadhka casaanka ah aan wali isticmaalin.


Nicola Rizzoliayaa si weyn loogu xasuustaa ciyaartii uu garsooraha ka ahaa ee Finalka koobka Horyaalada Yurub ee Champions League oo labada naadi ee Germalka ah ee Bayern Munich iyo Borussia Dortmund ku dhex martay garoonka Wembley sanadkii hore.



Massimo Busacca, madaxa garsoorayaasha FIFA, ayaa cadeeyey in Rizzoli uu dhex-dhexaadin doono ciyaarta adag ee Finalka koobka aduunka , halka Madaxweynaha xidhiidhka kubada cagta aduunka iyo gudoomiyaha golaha garsoorayaasha FIFA labadooduba ku raaceen in Rizzoli uu yahay ninkii ugu haboonaa ee siidhiga hayn lahaa ciyaartaasi.


"Ciyaaraha ugu wanaagsan waxaanu u xulnaa garsoorayaasha ugu fiican, Garsoorahan Talyaaniga ahina wuxuu dhex-dhexaadin doonaa ciyaarta Finalka,” Ayuu yidhi Busacca



Contact@afkashacabka.com