Ciyaartoy u Ciyaara Kooxda Man.United Oo Si Qiiro Leh Isra'iil Ula Hadlay, fariina u diray

0
Sunday July 13, 2014 - 17:08:33 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaartoy u Ciyaara Kooxda Man.United Oo Si Qiiro Leh Isra'iil Ula Hadlay, fariina u diray

    Dawlada Sahyuuniyiinta Yahuuda ayaa dhawrkii Maalmood ee la soo dhaafay Weerar cirka ku qaaday Magaaladda Qaza ee arlada dadka Reer Falastiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Sahyuuniyiinta Yahuuda ayaa dhawrkii Maalmood ee la soo dhaafay Weerar cirka ku qaaday Magaaladda Qaza ee arlada dadka Reer Falastiin.



Boqolaal qof oo isugu jira dumar, caruur iyo waayeel ayaa ku dhintay, halka laba jibaar tiro intaas le’egina ay ku dhaawacantay.

Hanti faro badan ayaa iyaduna ku burburtay duqayntan dhinaca cirka ah ee ay Yuhuudu soo qaaday dadka reer Falastiin.

Dunida Muslimka ah iyo waliba dadyoowga kale ee aan muslimka ahayn ayaa xoog u cambaareeyay, waxaanay ugu baaqeen in ay sida ugu dhakhsaha badan uga joojiyaan duqaynta dadka aan waxba galabsan ee reer Falastiin.

Ciyaaryahanka caanka ah ee Adnan Januzaj oo ka mid ah xiddigaha Kubada cagta ee Muslimka ah ayaa si xoog ah u cambaareeyay weerarka Yuhuuda.

Waxa uu xusay in dadka dhimanayaa ay yihiin Islaam, laakiin aanay diinta Islaamka aanay waxba u dhimayn, waxaanu yidhi "Israa’iileey, waad dili kartaa dadka Muslimka ah, laakiin waligaana dili kari maysid Diinta Islaamka” ayuu yidhi.



Afkashacabka.com / Cayaaraha
Contact@afkashacabka.com