Daawo(Sawiro)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wefti Ganacsato Jayniis ah oo Doonaya inay Dalka Maal-gashadaan+(Sawiro)

0
Wednesday May 31, 2017 - 16:13:43 in by Burco Office
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo(Sawiro)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wefti Ganacsato Jayniis ah oo Doonaya inay Dalka Maal-gashadaan+(Sawiro)

    Hargaysa(AFKA)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wefti Ganacsato Jayniis ah oo Doonaya inay Dalka Maal-gashadaan+ (Sawiro)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(AFKA)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wefti Ganacsato Jayniis ah oo Doonaya inay Dalka Maal-gashadaan+ (Sawiro)

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wefti Ganacsato Jayniis ah oo Doonaya inay Dalka Maal-gashadaan Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ganacsato Jayniis ah, oo doonaya inay Somaliland maalgashadaan.
Ganacsatadan oo ka socotay shirkad balaadhan oo lagu magacaabo Richway Greenergy oo ka shaqaysa dhalinta korontada iyo biyaha ayaa sheegay inay danaynayaan inay maalgashadaan Somaliland, iyaga oo Madaxweyne ku xigeenkana ka hadlay daraasado ku aadan maalgashigaasi oo ay wadaan.
Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor
 

 


Wasiir ku xigeenka Wasaarada warshadaha Somaliland Mudane Yuusuf Cismaan Garas oo Madaxweyne ku xigeenka kulankaasi ku wehelinayey ayaa ka hadlay muhiima shirkaasi waxaanu yidhi "Maanta waxa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu la kulmay wefti aanu keenay oo ka socday China gaar ahaan shirkadaha dalkaasi ee gaarka loo leeyahay shirkadaas oo la yidhaahdo Richway Greenergy waa shirkad dunida maal gashi fiican ku samaysay dalal fara badan oo dunida ah ayay mashaariic ku leeyihiin, waftiga waxa hogaaminaayay guddomiyaha shirkadaasi Oliver Liu waa shirkado isu tagay oo haysta maalgalin gaadhaysa 50 Malyuun oo dollar, hadii ay ku qancaan daraasada ay ka wadaan Somaliland oo laba meelood ah biyaha iyo laydhka, waxay aad u danaynayaan inay laydh ka dhaliyaan khashinka iyo in ay biyaha laydh ka dhaliyaan taas oo ay bilaabeenba, dhuxul dhagaxda ayay iyadana darasad ka wadaan. Madaxwayne ku-xigeenka waxa ay waftigani kala hadleen sidii ay maalgashigoodu damaanad u heli lahaa, madaxwayne ku-xigeenkuna waxa uu sheegay in dalka ay joogaan shirkado caalami ah oo ay DP WORLD iyo Coca-Cola ka mid yihiin maal-gashigooduna uu damaanad heli doonto."
Image may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 8 people, people standing, suit and indoorImage may contain: 2 people, people standing