Amar Culus Oo Hada Kasoo Baxay Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Cali Mareexaan

0
Wednesday May 31, 2017 - 16:22:55 in by Burco Office
  • Visits: 543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amar Culus Oo Hada Kasoo Baxay Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Cali Mareexaan

    Amar Culus Oo Hada Kasoo Baxay Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Cali Mareexaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amar Culus Oo Hada Kasoo Baxay Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Cali Mareexaan
)Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta Iyo Gaadiidka Somaliland Muddane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa degreeto xambaarsan awaamiir culus ka soo saaray gaadiidka dawladda ee ay ku xidhan yihiin numberka cad ama numberka somaliland kaas oo ku xidhan gaadiid badan oo dawladu leedahay. Wasiirka Hawlaha guud,guryeynta iyo gaadiidka somaliland markuu arkay muhiimada ay leedahay ilaalinta hantida qaranka iyo siyaasada guud ee ay dawlada somaliland ka leedahay ilaalinta hantida ummadda wuxuu si cad far waaweyn ugu dhigay in la joojiyo gaadiidka dawlada ee lagu xidho numberka somaliland Waxaana wasiirka hawlaha guud guryeynta iyo gaadiidka somaliland muddane cali xasan maxamed (cali mareexaan) uu si adag u joojiyay in gaadiidka dawladu leedahay lagu xidho numberka somaliland. waxaanu sidoo kale wasiirku faray wasaaradaha dawladda iyo hay’addaha madaxbanaan ee xukuumadu inay dhaqan galiyaan wareegtadan soona xareeyaan numberka cad ee ay sitaan hadda. Sidoo kale wuxuu wasiirku ku wargaliyey taliyaha ciidanka booliska somaliland inuu si dhakhso ah uga hawlgalo dhaqan galinta wareegtadan si loo sugo amniga qaranka iyo tan hantida qaranka ee dhinaca gaadiidka dawladda.