Xulka jarmalka oo hantay koobkii 4aad ee koobka adduunka ka dib gool dahabi uu dhaliyay gotze oo quusiyay argentina.+SAWIRO

0
Monday July 14, 2014 - 08:36:04 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka jarmalka oo hantay koobkii 4aad ee koobka adduunka ka dib gool dahabi uu dhaliyay gotze oo quusiyay argentina.+SAWIRO

    Xulka Jarmalka ayaa noqday xulkii ugu horeysay ee Yurub ka dhisan ee Koob Adduun ku qaada qaraada Latin Amerika ka dib markii ay 1-0 waqtigii dheeriga ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka Jarmalka ayaa noqday xulkii ugu horeysay ee Yurub ka dhisan ee Koob Adduun ku qaada qaraada Latin Amerika ka dib markii ay 1-0 waqtigii dheeriga ahaa

kaga badiyeen xulka Argentina iyadoo Mario Gotze uu noqday halyeeyga xulka Jarmalka.

 

Labada xul ayaa ku bilowday ciyaarta si dardar leh iyadoo durbadiiba muujinayeen caaboonaanta ay u qabeen kulankaan, xulka Jarmalka ayaana cadaadis saarayay bilowgii Argentina halka xulka Latin America ay si wacan u difaacanayeen dhankooda garoonka.

 

Fursadihii ugu fiicnaa ee qeybta hore ayaa ahaa kuwa kooban marka loo fiiriyo sida ay xiiso u laheyd ciyaarta. Gonzalo Higuain ayaa fursad dahabi ah ka qasaariyay Argentina markii uu kubad hadiyad madax aheyd ka helay Toni Kroos taasoo u saamaxday Higuain inuu kubad ku helo isaga iyo Neuer laakiin weeraryahanka Napoli ayaa darbadiisa u fiirsanin isagoo hareermariyay goolka.

 

Higuain ayaana shabaqa soo taabtay laakiin goolkiisa waxaa loo diiday offside sax ahaa. Jarmalka ayaa iyagana fursad kale oo dahabi ah ay soo martay dhamaadkii qeybta hore markii kooner ay soo tuureen uu madaxa la helay Hoewdes iyadoo kubada ay ku dhacday birta.

 

Qeybtii hore waxaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah. Qeybtii labaad Argentina ayaa si carcar leh ku bilaabatay iyagoo weeraro isdaba joog ah saarayay Germany laakiin kama aysan faa’ideysanin fursadahooda.

 

Bartamihii qeybta labaad ciyaarta waxa ay u muuqatay mid ka dabacday sidii hore iyadoo labada xul ay bilaabeen inay ciyaaraan kubad xoog ku dhisan islamarkaana garsooraha uu bixinayay digniino.


 

 

Sagaashankii daqiiqo ee ciyaarta waxa ay labada xul isku mari waayeen barbaro goolal la’aan ah taasoo keentay in 30 daqiiqo oo dheeri ah lagu darro.

 

Qeybtii hore ee 30kii daqiiqo ee dheeriga ahaa Argentina ayaa heshay fursad dahabi ah laakiin Palacio ayaa awoodi waayay inuu dhameystiro kubad hal ka hal ah isagoo damcay inuu kubada ka dulqaado Neuer laakiin banaanka ayay kaga baxday.

 

Daqiiqadii 113aad ee qeybta labaad ee waqtiga dheeriga ah ayaase wax walba isbedeleen markii Mario Gotze oo ahaa xiddigii bedelay Klose uu dhigay taariikh isagoo kubad xabadka ku koontaroolay ka hor inta uusan shabaqa cusjinin, waxaana ka soo shaqeeyay Andre Schurrle.

 

Goolkaas ayaana noqday goolkii ay Jarmalka ku qaadeen Koobka Adduunka, iyadoo Mario Gotze uu baal dahab ah ka galay taariikhda xulka Jarmalka. Waxaana uu xulkiisa gool u dhaliyay waqti ay aad ugu baahnaayeen.





Afkashacabka.com / Cayaaraha

Contact@afkashacabka.com