Wasiirro ka Qaybgalay Qalinjebinta Dufcadii 8aad oo maanta ka qallinjabisey Dugsiga Barashada Culuunta Xanaanada Xoolaha Ee IGad ee Magaalada Sheekh.

0
Monday July 14, 2014 - 09:30:53 in by Hargeysa Office
  • Visits: 941
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirro ka Qaybgalay Qalinjebinta Dufcadii 8aad oo maanta ka qallinjabisey Dugsiga Barashada Culuunta Xanaanada Xoolaha Ee IGad ee Magaalada Sheekh.

    Munaasibad Balaadhan oo ay ku qallinjabinayeen dufcadii 8aad ee ka Qalinjebisa dugsiga barashada Culuunta Xanaanada Xoolaha ee IGAD ee magaalada sheikh ayaa munaasibad balaadhan manta loo qabtey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibad Balaadhan oo ay ku qallinjabinayeen dufcadii 8aad ee ka Qalinjebisa dugsiga barashada Culuunta Xanaanada Xoolaha ee IGAD ee magaalada sheikh ayaa munaasibad balaadhan manta loo qabtey

Xafladani oo ay kasooq ayb-galeen wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland Dr.Cabdi Aw Daahir Cali, Wasiirka Qorsheynta qraanka Sacad Cali Shire, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Fami Cabdi Bidaar, Maayiradda Magaalooyinka Berbera iyo Sheekh C/shakuur Ciddin iyo Ibraahim Cabsiiyee, Masuuliyiin ka socotey Igad, Maamulka, Macaliiminta, Ardeyda Iyo Waliidiinta ardeyda Qallin Jabisey.

 

Munaasibadaasi oo aheyd mid siweyn loosoo agaasimey ayaa waxaa shaadooyin lagu gudoonsiiyey Ardeydii ka qallinjabisey.

wasiirka xanaanada xoolaha Dr.Cabdi Awdaahir oo munaasiabdaasi kahadley ayaa sheegey inuu hambalyeynaayo ardeyda qallinjabisey iyo maamulka iyo macalimiinta kusoo tabcey waxaanu xusey in uu ardeydaasi shaqaalaysiin doono isagoo xusey in mudadii uu xilka uu hayey uu ku ballanq aadey
in ardey walba iyo ardeyada walba oo ka qallinjabisa dusigasi uu shaqaalisey doono Waayo waxaa sugaaya odeyga iyo isliintii xoolaha dhaqanaayey waxaanan rajaynayaa in xoolaha oo ah lafdhabarta dhaqaalaha Somaliland waxbadan ka taridoonaan caafmaadintooda.


Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland Dr.Sacad Cali Shire oo isna munaasibadaasi kahadley ayaa Hambalyeey ardeyda qallinjabisey isagoo u rajeeyey mustaqbal wanaagsan waxaanu sidoo kale u mahadnaqey dhamaan hay’adaha kalla duwan ee caawiya dugsiga xanaanada xoolaha Ee Igad.


Madaxa Hayada Ternova Lucy Wood ,Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar,Maayirka Berbera C/shakuur Ciddin iyo Maamulaha Dugsigaasi oo dhamaantood Munaasibadaasi Kahadley ayaa Hambalyeey Ardeyda Qallinjabisey iyagoo kula dardaarmey iney  aqoontii ay soo barteen Dalkooda Iyo Dadkooda uga faaideeyaan.


Masuuliyiin ka kala socotey Jaamcadaha Makaleli, Addis Ababa iyo Kampala oo halkaasi kahadley ayaa Ardeydaasu hambalyeye ardaydan qallinjabisey ayaa ka kalla socotey dhamaan wadamada uu ka kooban Yahey Geeska afrika iyadoo sanad walbana ay ardeydan badan oo aqoontoodu aad
u sareysaa ay soo Qalinjabiso.

 

 

afkashacabka.com

hargeysa/office

contact@afkashacabka.com