Ciyaaryahanka Ronaldo Oo Cabasho Ka Muujiyey Foodhida Jamaahiirta Madrid.

0
Friday June 02, 2017 - 13:43:57 in by salman abdi
  • Visits: 1085
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaryahanka Ronaldo Oo Cabasho Ka Muujiyey Foodhida Jamaahiirta Madrid.

    Xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ayaa markale ku celiyay sida uu uga cadhaysan yahay in jamaahiirta kooxdiisa Real Madrid ay ugu oriyeen ama ugu soo foodhyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ayaa markale ku celiyay sida uu uga cadhaysan yahay in jamaahiirta kooxdiisa Real Madrid ay ugu oriyeen ama ugu soo foodhyeen

xili ciyaareedkan isaga oo Santaigo Bernabeu kooxdiisa Los Blancos ku matalaya wuxuuna tusaale ugu soo qaatay in ayna marnaba soo dhicin in jamaahiirta Man United ay ku soo oriyeen isaga waqtigiisii England.

Inkasta oo uu Roanldo wax kasta u soo qabtay kooxdiisa Real Madrid ayay haddana qayb jamaahiirta Madrid ka mid ahi caadaysteen in ay xidiga ree Portugal ku foodhyaan markasta oo uu qaab ciyaareedkiisu hoos u dhaco. Iyada oo qaab ciyaareedka Ronaldo ee xili ciyaareedkan aanu la mid ahayn sidii hore isla markaana uu inta badan xaalado adag ku soo jiray ayay jamaahiirta Madrid ku soo oriyeen.

Laakiin Ronaldo ayaa dhawr jeer oo hore jamaahiirta kooxdiisa u sheegay in ay ka joojiyaan qaylada iyo sawaxanka ay kaga soo horjeedaan balse markan dacwadiisa ayuu Ronaldo heer kale u qaaday isaga oo isbarbar dhig ku sameeyay jamaahiirtiisii Man United iyo kuwa Madrid kaga oriya.

Cristiano Ronaldo oo ka hadlaya jamaahiirta Man United ayaa yidhi: "Sanado badan ayaan ku soo qaatay Manchester United, jamaahiirta garoonkayga oo igu qaylinaysa waligeed aniga igumay soo dhicin. Xataa hal marna. Waxaa laga yaabaa in England ay tahay kiis ka reeban, maskax ahaantu waa mid ka duwan” sidan ayuu Ronaldo u sheegayLa Sexta.

Ronaldo oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: "Anigu aad ayaan ugu faraxsanahay Spain laakiin xaqiiqdii waan u darsaday England sababtoo ah ma awoodaysid in aad iska saarto xusuusta. Anigu ma jeceli(jamaahiirta garoonkayga oo igu orisa), mana aha wax caadi ah in ay kuugu foodhyaan garoonkaagii. Kaliya anigu ma jecli”.

Ronaldo oo umana sheeganaya jamaahiirta ku oriya ayaa yidhi: "May ahaateen kiiskan in ciyaartoy markasta doonaya in uu waxa ugu fiican siiyo oo uu boqoliiba boqol kooxda ku bixiyo in marka ugu horaysa ee uu qalad sameeyo ay dadku ku foodhyaan”.

Xidiga ree Portugal oo hadalkiisa sii adkaynaya ayaa yidhi: "Ma aha wax sax ah. Marka aad xaalad adag ku jirto ayaa ah waqtiga aad taageero dheeraad ah dibada uga baahan tahay, maba yara, mararka qaar anagu maba helno”.