Qaramada Midoobay Oo Cambaaraysay Go'aanka Maraykanku Kaga Baxay Heshiiskii Cimilada Adduunka

0
Friday June 02, 2017 - 13:53:20 in by salman abdi
  • Visits: 579
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay Oo Cambaaraysay Go'aanka Maraykanku Kaga Baxay Heshiiskii Cimilada Adduunka

    Adduunka ayaa si wayn u cambaareeyay ku dhawaaqitaanka madaxweyne Trump ee ku aadan in Maraykanku uu ka baxayo heshiiskii la dagaalanka isbedelka cimilada adduunka ee Paris lagu gaadhay 2015kii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Adduunka ayaa si wayn u cambaareeyay ku dhawaaqitaanka madaxweyne Trump ee ku aadan in Maraykanku uu ka baxayo heshiiskii la dagaalanka isbedelka cimilada adduunka ee Paris lagu gaadhay 2015kii.


Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa go’aankaas ku tilmaamay "mid niyad jab wayn la imanaya” halka Midawga Yurubna uu ku tilmaamay "maalin murugo oo adduunka soo foodsaartay”.

_96310703_f287999d-c254-4cb3-8394-9400cf219cd5
Si kastaba ha ahaatee saraakiil sare oo xisbiga Dimuqraaddiga ka tirsan iyo warshadaha dhuxusha ayaa soo dhaweeyay go’aankan.
Madaxweyne Trump ayaa caddeeyey in Maraykanku ka baxayo heshiiskii Paris ee la dagaalanka isbedelka cimilada aduunka.
Isagoo taagan kaabadda Aqalka Cad ayaa Trump, oo la hadlayey warbaahintu, wuxuu sheegay in heshiiskani uu ciqaab ku yahay Maraykanku uuna dalka ka sii qaado malaayiin shaqo ah.
Wuxuu sheegay inuu yahay tusaalihii u dambeeyey ee muujinaya in Washington gasho heshiisyo dalalka kale faa’iido u leh laakiin uu diyaar u yahay heshiis kale oo xeerarkiisu u cadaalad falayaan Maraykanka.
Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama, oo heshiiskan wada xaajood ka galay markii dambena saxiixay ayaa sheegay in waxa maamulka Trump diidanyahay uu yahay mustaqbal fiican.
Obama waxaa kale oo uu sheegay in uu ku kalsoonyahay in gobollada, magaalooyinka iyo shirkadaha Maraykanku ay dadaalkooda dardar gelin doonaan oo ay hogaan u noqon doonaan qorshaha la doonayo in lagu badbaadiyo dunida.