Weftigii oo uu hogaaminayey Madaxweyne Siilaanyo oo si weyn loogu soo dhoweyey itobiya iyo garoonka caalamiga ah ee Bole International Airport ee Caasimadda Waddankasi+Sawiro

0
Monday July 14, 2014 - 09:56:29 in by Hargeysa Office
  • Visits: 840
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weftigii oo uu hogaaminayey Madaxweyne Siilaanyo oo si weyn loogu soo dhoweyey itobiya iyo garoonka caalamiga ah ee Bole International Airport ee Caasimadda Waddankasi+Sawiro

    Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii uu hogaaminayo ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii uu hogaaminayo ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia

 markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee Bole international waxaana madaxweynaha kaga hortagay masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dawlada Ethiopia.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay ka mid yihiin wasiirka Arimaha dibada Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis wasiirka waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali iyo Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, ayaa waxa sidoo kale loo soo galbiyey Qolka VIP madaarka Adis-ababa. Waxaana soo dhawaynta madaxweynahaka qaybqaadanayey wasaarada arrimaha dibada ee Ethiopia iyo safiirka midowga Africa u fadhiya dalka Ethiopia iyo Chief Protocol ka Ethiopia, sidoo kale masuuliyiinta safaarada Somaliland ayaa goob joog ka ahaa soo dhawaynta madaxweynaha oo ugu horeeyo safiirka Aadan Nuux Dhuule iyo safiir ku xigeenka Ayaanle Salaan Diiriye

.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hogaaminayo intay joogaan Dalka Ethiopia waxay kulamo la yeelaan doonaan madaxda dalka Ethiopia iyadoo xidhiidhka labada dal ka dhexeeya ee qotada dheer ka wada hadli doonaan.



Contact@afkashacabka.com