Madaxwaynaha Maamulka Puntland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti ka Socday Hindiya

0
Friday June 02, 2017 - 19:23:30 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Maamulka Puntland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti ka Socday Hindiya

    Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socdey safaarada Hindiya ee Soomaaliya oo uu hogaaminayey qunsulka dalka Hindiya ee SoomaaliyaMr Rajesh Swami.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socdey safaarada Hindiya ee Soomaaliya oo uu hogaaminayey qunsulka dalka Hindiya ee SoomaaliyaMr Rajesh Swami.

Weftigani oo Garoowe soo gaadhay maalinimadii shalay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ku soo dhoweeyey Masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirada dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, waxaana ay isla maata gelinkii hore kulan kula qateen Madaxtooyada Garoowe wasiiro, wasiir ku-xigeeno iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Kulanka Madaxweynaha iyo qulsulka Dalka




Hindiya ee Soomaaliya ayaa waxa ay kagga wadda hadleen arrimo laxidhidha Waxbarashadda, Cafimaadka, Kaluumaysiga, Ganacsiga, iyo xidhiidhka Puntland iyo dalka Hidiya.

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn ku soo dhoweeyey weftigani Puntland, waxaana uu faahfaahin ka bixiyey xidhiidh soo jireenka ah ee Puntland iyo dalka Hindiya kaas oo ay iska kaashan jireen arrimaha Ganacsiga iyo Waxbarasha, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in laga warhayo xadhiidhkaasi soo jireenka ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in dawladda Puntland dhankeeda diyaar u tahay xoojinta iyo adkaynta xidhiidhka wanaagsan ee Puntland iyo dalka Hindiya ka dhexeeya, waxaana uu xaqiijiyey in dawladda Puntland diyaar u tahay kawadda shaqaynta wax kasta oo ay ku jiro masiirka shacabka Puntland iyo kan Hindiya.

Dhinnaca kale Qunsulka dalka Hindiya ee Soomaaliya Mr Rajesh Swamiayaa dhankiisa sheegay ay diyaar u yihiin adkaynta iyo xoojinta xidhiidhka labada dhinac, isla mar’ahaantaana ay xooga saaridoonaan kuna fara adaygi doonaan sii jiritaanka iska garabsiga arrimaha Ganacsiga, Waxbarashada, Kaluumaysiga iyo Caafimaadka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markasta ku hawlan kobcinta iyo sare u qaadida arrimaha Bulshada sida kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarasha, Caafimaadka iyo Biyaha.