Maxaabiis Dhaawac oo ka tirsan maleeshiyada Khaatumo oo xalay Burco la keenay

0
Monday July 14, 2014 - 15:29:41 in by Hargeysa Office
  • Visits: 836
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaabiis Dhaawac oo ka tirsan maleeshiyada Khaatumo oo xalay Burco la keenay

    Magaalada Burco waxa Xalay Makhribkii la keenay Maxaabiis laga soo qabtay Kooxda Khaatumo oo maalintii shalay Lagu soo qabtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Burco waxa Xalay Makhribkii la keenay Maxaabiis laga soo qabtay Kooxda Khaatumo oo maalintii shalay Lagu soo qabtay Iska hor imaad ciidanka qaranka iyo kooxdan ku dhex maray Deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Kooxdan ayaa ciidanka ka dishay Hal askari oo ka tirsan Ciidanka qaranka, halka iyagana loo geystgay dhaawacyo, iyadoo Xabsiga dhexe ee Burco xalay la keenay Saddex ka mid ah Fallaagadaas oo midi dhaawac qabo.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka qaranka oo aanu xidhiidh la samaynay ayaa noo xaqiijiyey in maxaabiistaan ciidanka dhibka gaadhsiiyey lagu xidhay Saldhigga Burco, isla-markaana lagu daba jiro kuwo kale oo Goobaha miyiga ku dhuumaalaysanaya.

Hadaba Gaashaanle Maxamed Iimaan oo ka tirsan Ciidanka qaranka, isla-markaana ka warramay sida wax u dhaceen, ayaa sheegay, "Waxa aanu deganahay Koonfurta Magaaladda Laascaanood, waxaanan deganahay laba meelood oo yara kala durugsan. Hadaba xalay ayaanu ka tagnay oo waxa aanu ku soconay xero kale ayaanu ku soconay, dabadeedna waxoogaa yar oo ciidan ah oo ah kuwa nabad diidka ah, ayaa jid goyn noo yara galay, halkaas bay dabadeedna shaqaaqadu ka yara dhacday, labadayada dhinacna waxyeeladu may badnayn, Laakiin waa niman budhcadaynayoo meeshii waanu ka saarnay, ” Ayuu yidhi.

Mar aanu waydiinay bal xaalada ay ku sugan yihiin ciidamada qaranka Somaliland ee jiida hore waxa uu yidhi "Xaalada ay ku sugan yihiin ciidamada qaranku waa mid iska wanaagsan, mana jirto iminka wax dhibaato ah haysataa, aad iyo aadna way u fiican yihiin, waana niman dalkooda iyo dadkoodaba difaacaya” ayuu yidhi.

Kooxda KHaatuno oo si muuqata looga gacan roonaaday ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey Bilowday nidaamyo cusub oo ay jidgooyooyin ugu gelayaan ciidanka qaranka Somaliland, iyagoo hore arrintan oo kale ugu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidanka qaranka



Afkashacabka.com

Burco / Office

Contact@afkashacabka.com