Madaxda caalamka oo cambaareeyay weerarkii London

0
Sunday June 04, 2017 - 11:54:28 in by Burco Office
  • Visits: 508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda caalamka oo cambaareeyay weerarkii London

    Madaxda caalamka oo cambaareeyay weerarkii London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda caalamka oo cambaareeyay weerarkii London

Madaxda qaar badan oo ka mid ah dalalka caalamka ayaa cambaareeyay weerarkii argagixiso ee xalay ka dhacay magaalada London, kaasoo ay ku dhinteen lix qof, in ka badan afartana ay ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, oo laba ka mid ah muwaadiniintiisa ay ku dhaawacmeen weerarka, ayaa sheegay in dalkiisa uu markasta garab taagan yahay Britain.

Ra'iisul wasaaraha Australia Malcolm Turnbull, ayaa dhankiisa u duceeyay oo sheegay in ay garab taagan yihiin shacabka Britain.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa bartiisa Twitter ku sheegay in "dalkiisa uu ka caawin doono London iyo UK wax kasta oo ay uga baahan yihiin."

Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa war qoraal ah ku sheegtay "maanta waxaa na mideeyay argagaxa iyo tacsida, balse sidoo kale waxaan ku midaysanahay go'aankeena. Jarmalka waxaa ka go'an la dagaallanka dhammaan noocyada argagixisada. Waxaan garab taagan nahay Britain"

Ammaanka caasimadda London ayaa la adkeeyay, ayadoo maanta ay muwaadiniinta Faransiiska ah ee halkaa ku nool ay codkooda ka dhiibanayaan wareega koobaad ee doorashada baarlamaanka dalkooda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.