Wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasarada ganacsiga iyo maal gashiga caalamiga ah oo isku shaandhayn balaadhan ku sameeyey agaasime waxaadeeda iyo masuuliyiinta wasarada ganacsiga +Akhriso

0
Monday July 14, 2014 - 16:06:13 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasarada ganacsiga iyo maal gashiga caalamiga ah oo isku shaandhayn balaadhan ku sameeyey agaasime waxaadeeda iyo masuuliyiinta wasarada ganacsiga +Akhriso

    Wasiirka wasarada ganacsiga iyo maal gashiga caalamiga ah ee Somaliland mudane dr,muuse qaasim cumar iyo agaasimaha guud ee wasarada ganacsiga iyo maal gashiga caalamiga ah mudane maxamed sh. cumar sh. xasan ayaa soo saaray isku shaan dhayn balaadhan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasarada ganacsiga iyo maal gashiga caalamiga ah ee Somaliland mudane dr,muuse qaasim cumar iyo agaasimaha guud ee wasarada ganacsiga iyo maal gashiga caalamiga ah mudane maxamed sh. cumar sh. xasan ayaa soo saaray isku shaan dhayn balaadhan oo la isku bedelay agaasime waaxeedyada wasarada ganacsiga iyo isu duwayaasha,maamulada kastamada gobolada ee wasarada ganacsiga iyo maal gashiga caalamiga ah Wasiirka wasarada ganacsiga iyo maal gashiga caalamiga ah mudane dr,muuse qaasim aw_cumar ayaa waxa uu qoraalkan ku sheegay in ka dib markii uu u kuur galay habko shaqo ee isu duwayaasha gobolada iyo maamulayaasha goobaha shaqo ee ay wasarada ganacsigu ka howl

gasho waxa laga maarmaan noqotay in la sameeyo isku bedel xaga xilalka ah si loo dar dar galiyo waajibaadka shaqo ee wasaradu qaranka u hayso iyo inkor loo qaado dakhliga ay wasaradu qaranka u soo xarayso,

 

Agaasime waaxeedada isku bedelka lagu sameeyey ayaa waxay u dhignaayeen sidan,

 

Agaasimihii hore ee waaxda xidhiidhka gobolada ee wasarada ganacsiga iyo maal gashiga caalamiga ah maxamed jaamac liibaan waxa loo bedelay, Agaasimaha cusub ee waaxda maamulka iyo lacagta

 

Agaasimihii hore ee maamulka iyo lacagta ismaaciil haybe cali waxa loo bedelay agaasimaha cusub ee waaxda xidhiidhka gobolada ee wasarada ganacsiga iyo maal gashiga caalamiga ah

 

Agaasimihii hore ee waaxda maalgashiga caalamiga ah maxamed saleebaan cilmi waxa loo bedelay agaasimaha cusub ee waaxda ganacsiga

 

Agaasimihii hore ee waaxda ganacsiga aadan axmed cilmi (dhagax) waxa loo bedelay agaasimaha cusub ee waaxda maalgashiga

 

Sidoo kale waxaa layku bedelay isu duwayaasha iyo maamulada kastamyada ee gobolada ee wasarada ganacsiga waxaanay u dhigan yihiin sidan

1_maxamed muuse shardi hore waxa uu ahaa isu duwaha gobolka salal waxaana loo bedelay isu duwaha gobolka awdal

 

2_c/xakiin faarax axmed hore waxa uu ahaa isu duwaha gobolka saraar waxaana loo bedelay gobolka salal

3_xasan cumar cabdi hore waxa uu u ahaa isu duwaha awdal waxana loo bedelay gobolka saraar

 

4_maxamed axmed suldan hore waxa uu u ahaa maamulaha kastamka wajaale waxaana loo bedelay maamulaha kastamka kalabaydh

 

5_ismaaciil axmed yuusuf hore waxa uu u ahaa maamulaha kastamka kalabaydh waxaana loo bedelay maamulaha kastamka wajaale

 

6_maxamed xasan dacar waxa uu ahaa xubin ka midaa xarunta wasarada ganacsiga waxaana laga dhigay maamulaha kastamka berbera

 

7_c/raxman xuseen jaamac hore waxa uu uga mid ahaa cigaal Airport waxaana loo bedelay madarka ber bera

 

8_yuusuf abiib ismaaciil hore waxa uu u ahaa shaqaale waxaana laga dhigay madaxa shaqaalaha ee waaxda maamulka

 

9_maxamed cabdi maxamed hore waxa uu u ahaa madaxa shaqaalaha waxaana laga dhigay madaxa arkifiyada ee waaxda maamulka

 

Ugu danbayntii wasiirka wasarada ganacsiga iyo maal gashiga caalamiga ah ee Somaliland mudane dr.muuse qaasim cumar waxa uu ku amray masuuliyiintaasi laysku bedelay inay di deg deg ah iskaga xaadiriyaan lagu magacaabay isla markaana ay lakala wa

wareegaanxilalkaasi

contact@afkashacabka.com