MESSI IYO NEUER OO KUKALA GUULAYSTAY KUBBADA DAHABKA AH IYO GACANTA DAHABKA AH

0
Monday July 14, 2014 - 17:06:18 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MESSI IYO NEUER OO KUKALA GUULAYSTAY KUBBADA DAHABKA AH IYO GACANTA DAHABKA AH

    Kadib markii la soo gabagabeeyay tartankii koobka aduunka ayaa la bixiyay biladaha ay ku guulaystaan ciyaartoyda ugu fiican inta uu socdo tartanku.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii la soo gabagabeeyay tartankii koobka aduunka ayaa la bixiyay biladaha ay ku guulaystaan ciyaartoyda ugu fiican inta uu socdo tartanku.

Waxaa Kubbada dahabka ah ee lagu helo marka aad noqoto ciyaartoyga tartanka ugu fiican ku guulaystay lionel Messi halka uu gacanta dahabka ah ee la gudoonsiiyo goolhayaha ugu fiican u hantay goolhayaha Jarmalka Manuel Neuer. Dhinaca gool dhalinta iyo kabta dahabka ah waxaa ku guulaystay laacibkii aduunka ka yaabiyay ee ree Colombia James Rodriguez oo isagu dhaliyay 6 gool.

Messi ayaa wacdaro ka soo muujiyay heerkii groupka koobka aduunka isagoo xulkiisa u horseeday inay muddo 24 sano ah soo gaadhaan semi finalka isagoo ugu danbayn qayb ka ahaa kooxda Argentina ee timid finalka koobka aduunka. Messi ayaa afar gool dhaliyay intii uu tartanku socday balse saamaynta iyo mashquulka uu ku samaynayay ciyaartoyda ka soo horjeeda ayaan marnaba la hilmaami karin. Kulankii finalka ee xalay ayuuna Messi in badan muuqanin iyadoo ay ugu wacnayd xulka Germany oo si gaar ah u bartilmaameedsanayay iyo kubbad haynta Germany oo badnayd balse Messi muu yaraysan oo marar dhawr ah ayuu halis galiyay goolhaya jarmalka.

Markii finalka koobka aduunka la soo afmeeray ayaa Messi la gudoonsiiyay bilada kubbada dahabka ah ee ay bixiso Adidas wuxuuna ka horqaaday oo tartan kula jiray laacibiinta kala ah James Rodriguez, Arjen Robben, Manuel Neuer, Bastian Schweinsteiger iyo Thomas Muller.

Ugu danbayn,Ciyaartoyga ree France iyo kooxda Juventus Paul Pogba ayaa isna ku guulaystay da’yarkii ugu fiicnaa intii uu socday tartanka koobka aduunku wuxuuna ka guulaystay isla ciyaartoyga ay isku xulka yihiin ee Raphael Varne iyo MemphisDepay oo ciyaara xulka qaranka Holand oo labaduba kula tartamayay inay helaan abaalmarinta lagu bixiyo da’yarka ugu fiican koobka aduunka



Afkashacabka.com / Cayaaraha