Wakiilka Somaliland Ee Dalka Ingriiska Oo Been Abuur Ku Tilmaamay War La Sheegay In Laga Soo Xigtay Wasiirka Arrimaha Dibadda.

0
Monday July 14, 2014 - 18:07:15 in by Hargeysa Office
  • Visits: 966
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakiilka Somaliland Ee Dalka Ingriiska Oo Been Abuur Ku Tilmaamay War La Sheegay In Laga Soo Xigtay Wasiirka Arrimaha Dibadda.

    Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska Cali Aadan Cawaale ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war la sheegay in laga soo xigtay Bogga uu Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland ku leeyahay Twitterka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska Cali Aadan Cawaale ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war la sheegay in laga soo xigtay Bogga uu Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland ku leeyahay Twitterka.


 

Waxa uu sheegay in aanu warkaasi sal iyo raad toona lahayn, wasiirkuna aanu waxba ka ogeyn bogga la sheegay in laga soo xigtay warkan.

Qoraal kooban oo uu Wakiilku ku baahiyay Bogga uu ku leeyahay Facebookga ayaa waxa uu ku Yidhi "Waxa jiray qoraal facebook la soo dhigay xalay oo sheegaya inu Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland mudane Maxamed Bixi Yonis bog uu ku leeyahay twitter-ka soo dhigay farriin ka hadlaysa caafimaadka Madaxweynaha Somaliland.

Haddaba waxan mar dhoweyd la xidhiidhay Wasiirka oo aan weydiiyey arrintaas waxanu Wasiirku ii xaqiijieyey inaanay jirin wax farriin ah oo uu diray, isla markaana aanu lahayn Twitter account-ka la leeyahay waa lagu soo qoray warkan aan sal iyo raad toona lahayn.

Waa bil soone dembi dhaaf ALLA aynu ka barino.




Wa billaahi Tawfiiq,

Ali  A . Awale

Wakiilka Somaliland ee UK